Masar Oo Maxkamad Lagu Soo Taagay 700 Oo Maxbuus Oo Ka Tirsan Ururka Ikhwaanka

0
616

Picture2Masar waxa ka billaabmatay maxkamadaynta 700 oo ruux oo ah taageerayaasha ururka Ikhwaanul Muslimiinta. Waxa loo haystaa inay sanadki hore sameeyeen dibadbaxyo rabshado watay.

Dadkaas la adeeyay waxaa ka mid ah Madaxii dhaqdhaqaaqaasi Maxamad Badiici.

Mas'uuliyiinta Masar waxaay sheegeen in aanu maxkamadda ka soo muuqanayn Badiic sababo amaanka la xidhiidha awgood.

Eedaysanayaasha badankooda waxaa la maxkamadaynayaa iyagoo ka maqan maxkamadda.

Lixdan qof oo kaliye ayaa maxkamadda ka soo muuqday. Maalin ka hor ayay isla maxkamadan xukun dil ah ku riday 529 ruux oo taageerayaal u ah Ikhwaanul Muslimiinka.

Dowladda uu taageero militeriga ayaa olole ku qaadday Ikhwaanul Muslimiinka Xukunkaas maxkamadda si weyn ayaa loo cambaareeyay, iyadoo maxkamadda go'aan gaadhay labo fadhi oo kaliya kaddib.

Mas'uuliyinta Masar ayaa olole ku qaaday ururka Ikhwaanul Muslimiinka tan iyo markii militerigu xukunka ka tuuray Maxamad Mursi. Kumanaan kun oo ka tirsan Ikhwaanul Muslimiinka ayaa la xidhay iyadoo boqolaal kalena la dilay.