Masar Oo Lagu Kala Iibsado Ubadka Caananuugga Ah Iyo Ilmaha Casaanka Ah Oo Ka Lacag Badan Ka Madowga Ah

0
3937

Qaahira (Geeska)- Warbixin uu Geeska Afrika soo akhriyey ayaa ay shabakadda wararka ee Ruushka maanta, ‘Russia today’ ku sheegtay in dalka Masar ay ka taagan tahay masiibo ah in ubadka caano nuugga ah qiime aad u jaban lagu kala iibsado. Masiibada ka ganacsiga ubadka ayaa gaadhay heer la sameeyo degel internet ka ah oo lagu baahiyo ogeysiisyada la xidhiidha ubadka iibka ah.

Warbixintu waxa ay sheegtay in ubadka la iibsanayo inta badan looga faa’idaysto dawarsiga oo ay dad ku shaqaystaan, in mararka qaarkood xubnaha muhiimka ah lagala baxo si loo iibiyo, iyo in siyaabo kale oo sharcidarro ah looga faa’idaysto, sida xidhiidhada jinsi ee xaaraanta ah. Arrinta amakaagga weyn ay warbixintu ku tilmaamtay ayaa ah xidhiidhada kala iibsiga carruurta ee dalka Masar ay yihiin kuwo aan qarsoodi ahayn, oo dadka oo dhami ogyihiin. Si caadi ahna loogaga sheekaysto xidhiidhada internet ka, talefannada iyo xitaa degelkan aynu xusnay laftiisa oo marar badan fududeeya.
Degelkan internet ka oo la mid ah degellada badeecadaha caadiga ah wax lagu kala iibsado ee internet ka, sida kuwa iibka gaadiidka iyo qalabka korontada ku shaqeeya, guryaha ama kirooyinka, ayaa waxa uu leeyahay qayb u gaar ah iibka carruurta caano-nuugga ah.
Marka aad qaybtaas gasho waxaa ku qoran, ‘Qiimaha carruurta la siinayo ciddii rabta in ay korsato’ waana lacag u dhexeysa 1000 illaa 50 kun oo lacagta dalka Masar ah, lacagtaas oo doolar ahaan u dhiganta (57 illaa 28 kun). Arrinta taas ka sii daran ayaa ah in sida uu wariyaha sheekadan fashiliyey uu sheegay in carruurtu ay u kala qiimo badan yihiin sida ay u kala midab duwan yihiin, oo wiilka cadi aanu la qiimo ahayn wiilka madowga ama maarriinka ah.
Warkani waxa uu baraarujiyey hay’adaha amniga, garsoorka iyo dhinacyada kale ee dawladda dalka Masar ay arrintani ka khusayso, intii uu warkani soo baxayna waxaa aad loo dareemayaa tallaabooyin kala duwan iyo dhaqdhaqaaqyo la xidhiidha wax ka qabashada arrintan oo dalkaas ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here