Marxuum Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde Oo Shalay London Lagu Aasay

0
706

Picture2Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariisto ee waxa shalay magaalada London ee wadanka Ingiriiska lagu aasay marxuum Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde oo toddobaadkan geeriyooday.

Marxuum Yaasiin, waxa aaskiisa ka qayb galay dadweyne tiro badan oo isugu jiray jaaliyaddaha Somaliland iyo Somaliya ee wadanka Ingiriiska, qoyskiisa iyo dad kale, waxaanay halkaas ugu duceeyeen marxuumka iyagoo Alle uga baryay inuu marxuumka naxariistii janno ka waraabiyo.

Marxuum Yaasiin ayaa ahaa saxafi erey bixin tiro badan ku soo kordhiyay afka Somaliga ee dhinaca saxaafadda, waxaanu sidoo kale noqday wasiir xigeenkii iyo wasiirkii warfaafinta ee dawladii Maxamed Siyaad Barre. Alle haw naxariisto ee wuxuu ka soo jeedaa qoyska caanka ah ee reer Xaaji Ismaaciil Jirde.