Marxuum Yaasiin Jirde Oo Ku Geeriyooday Dalka Ingiriiska

0
533

Picture6Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Marxuum Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ahaa saxafi caan ah oo xilal sare ka soo qabtay dawladii Maxamed Siyaad Barre.

Marxuum Yaasiin, wuxuu u geeriyooday xanuun uu muddo u jiifay. Yaasiin, wuxuu noqday weriyaha gaarka ah ee Madaxweynihii Somaliya Maxamed Siyaad Bare, waxaanu sannadkii 1987 noqday wasiir xigeenkii warfaafinta Somaliya, isagoo sannad ka dibna noqday wasiirkii warfaafinta ee dawladii Somaliya, laakiin wuxuu dawladii Maxamed Siyaad Barre ka goostay sannadkii 1989, isagoo tan iyo wakhtigaasna ku noolaa dalka Ingiriiska.

Alle haw naxariisto ee marxuum Yaasiin, wuxuu magaalada Hargeysa ku dhashay sannadkii 1934, waxaanu ka soo jeedaa qoyska caanka ah ee reer Xaaji Ismaaciil Jirde.

Geesta kale Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi u diray umadda reer Somaliland iyo qoyska reer Xaaji Ismaaciil Jirde ee uu ka geeriyooday marxuum Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde, waxaanay marxuumka Alle uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

 

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu sheegay in marxuumku tiir tusaale u ahaa saxaafada ku hadasha afka Soomaaliga, khaasatan Erey bixinta iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland.

 

Guddoomiye Muuse Biixi ayaa isna yidhi, “anigoo ku hadlaya magaca xisbiga KULMIYE, guddigiisa fulinta, golaha dhexe iyo taageerayaasha xisbiga, waxaan tacsi u dirayaa shacabka reer Somaliland iyo umadda uu ka geeriyooday Marxuum Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde. Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa qoyska reer Xaaji Ismaaciil Jirde, marxuumkana waxaan Alle uga baryayaa inuu marxuumka naxariistii janno ka waraabiyo.”