Marxuum Sanyare Xaaji Cali Guhaad Oo Shalay Geeriyooday

0
725

Picture4Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay cisbitaalka guud ee Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xaaji Cali Guhaad (Sanyare Xaaji Cali Guhaad), oo ka mid ahaa odayaasha caanka ah ee reer Hargeysa.Marxuum Sanyare wuxuu u geeriyooday xanuun uu muddo kooban u jiifay, waxaana shalay lagu aasay xabaalaha boqol jire ee magaalada Hargeysa, waxaan aaaskiisa ka qayb galay qaybo badan oo ka mid ah bulshada Hargeysa, siyaasiyiin madaxbanaan, wasiiro, maayarka caasimadda, culimo iyo dadweyne kale, waxaana Alle laga baryay inuu marxuumka naxariistii janno ka waraabiyo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka reer Somaliland ka tacsiyeeyay geerida marxuum Sanyare Xaaji Cali Guhaad.

Alle haw naxariiste marxuum Sanyare, wuxuu ahaa oday muxtarim ah oo ay taariikhi ku duugantahay, waxaananan cadayada dambe inshaalah idiinku soo gudbin doonaa taariikh nololeedkiisii, inshaalah.

Haddii aanu nahay bahda Geeska Afrika,. Waxaanu tacsi u diraynaa qoyska, qaraabada iyo shacabka uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Xaaji Cali Guhaad (Sanyare), marxuumkana waxaanu Alle uga baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo. Aamin.