Marxuum John Drysdale (Cabaas) Oo Maanta Lagu Aasayo Xabaalah Masalaha

0
546

Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa maanta xabaalaha masalaha ee magaalada Hargeysa lagu aasayaa Marxuum Cabaas Idiris oo hore loogu yaqaanay John Drysdle oo u dhashay dalka Ingiriiska, toddobaadkan ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

1

Marxuum Cabaas oo qaatay diinta Islaamka, waxa maanta aas balaadhan loogu samaynayaa xabaalaha masalaha.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhambaal tacsi ah u diray ehelka iyo qaraabada uu ka geeriyooday Marxuum Cabaas, waxaana qoraal madaxtooyada ka soo baxay lagu yidhi sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya Magaciisa ka Dawladda iyo kan Shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa,  waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanada, bahda qorayaasha, Dawladda Ingiriiska iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle haw

Naxariistee Marxuum Cabbaas Idiris  (John Drysdale) oo ku geeriyooday 10.07.2016, Magaalada Hargeysa, iyadoo 12.07.2016, Maalinimada Salaasada lagu aasi-doono Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu ku sifeeyey marxuumka nin hawlo qaran oo culus u soo qabtay dalka iyo dadka Somaliland , kana mid ahayd diiwaangelinta dhinaca beeraha ee degmooyinka dalka, isagoo hoggaamiye ka ahaa mashruuca diiwaangelinta beeraha ee Wasaaradda Beeraha Somaliland ka tirsan laguna magacaabo (Cadastral Survey) kaasoo wax badan ka qabtay muran dhex mari jiray beeralayda. Waxa kale oo uu marxuumku ahaa nin waayo arag ah, aqoon yahan ah, iyo qoraaba oo taariikhda Somaliland hayey, waxna ka qoray ilaa muddadii uu dalka yimid oo ahayd 1940-naadkii, muddooyinkii dambena ahaa la taliyaha wasaaradda beeraha. Marxuumku waxa uu ahaan jiray Sarkaal iyo khamiir dhinaca ciidamada ah. 

Marxuumku waxa uu dedaal badan geliyey sidii ay u muuqan lahayd Somaliland, aqoonsi caalamiyana u heli lahayd, taas oo u horseeday inuu qaato diinta Islaamka sanadkii 2009kii, dad badan oo muwaadiniin ahina ay ku farxeen. 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanada, bahda qorayaasha, Dawladda Ingiriiska, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”