Marxuum Cali Cabdi Diini: Suxufi Ruug-cadaa Ah Oo Ka Baxay Bahda Warbaahinta

0
17

Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay xabaalaha deegaanka Xaraf ee Hargeysa lagu aasay Marxuum Cali Cabdi Diini (Cali Nacnac), oo ahaa saxafi ruug-cadaa ah.

Marxuum Cali oo tifaftire guud ka soo noqday wargeysyada Haatuf iyo Saxansaxo, wuxuu u geeriyooday xanuun uu muddo u jiifay. Waxaana aaskiisa ka qayb galay bahda saxaafadda Somaliland, ehelada marxuumka iyo qaraabo kale oo marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

Cali, ayaa waxa kale oo uu saxafinimada ka sokow ahaa tababare kubadda cagta ah, waxaanu soo saaray ciyaartooy caan ka ah dalka Somaliland.

Alle haw naxariisto Marxuum Cali Cabdi Diini oo ahaa qof ehlu cibaado ah oo dun wanaagsan.