Marxuum Cabdi Jaamac Xayd oo ka mid ahaa odayaasha muxtarimka ah ee Hargeysa oo geeriyooday

0
741

Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa maanta gelinkii dambe magaalada Hargeysa ku geeriyooday marxuum Cabdi Jaamac Xayd, oo ka mid ahaa odayaasha muxtarimka ah ee Somaliland, gaar ahaan odayaasha reer Hargeysa.

Marxuumka, waxa la filayaa in Sabtida beri lagu aaso magaalada Hargeysa, waxaanu u geeriyooday xanuun uu muddooyinkii u dambeeyay u jiifay. Marxumku wuxuu ka mid ahaa odayaasha samo-taliska ah ee Somaliland, waxaanu qayb laxaad leh ka qaatay dib u heshiisiintii beelaha Somaliland iyo weliba nabadayntii qaranka.

Marxuumku, wuxuu ahaa oday qaran, waxaana haddii aanu nahay bahda Geeska Afrika aanu tacsi u diraynaa shacabka iyo umadda reer Somaliland ee uu ka geeriyooday iyo qoyskii uu ka baxayba. Aamin.