“Marxalad Kala Guur Ah Oo Aad Iyo Aad U Adag Ayuu Dalku Marayaa Ee Haloo Tudho..” Sheekh Aadan Siiro

0
789

Hargeysa (Geeska)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Arrimo badan oo Xaasaasiya, kuwaasi oo ay ka mid tahay in Somaliland Xilligan marayso Marxalad Kala Guur ah oo aad u adag.

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu ka hadlay Ahmiyadda ay leedahay in Dalka la islaaxiyo, maaddaama Somaliland tahay Dal ku dhaqan yihiin Ummad boqolkiiba boqol Muslim Sunniyiin ah, Mandaqaddana ay ku soo kordheen Xaalado badan oo keeni kara Tafaraaruq.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waddammada Muslimiinta ahi Maanta waa Hadaf (Hadaf baa laga leeyahay), Innaguna qayb ayaynu ka nahay, Ummad boqolkiiba boqol wada Ahlu sunna ah, taasi xitaa Xaramka kama jirto, iska daa’ Waddamada kale ee Islaamka’e, sidaa darteed Maanta Dalku wuxuu u baahan yahay Cid Heshiisiisa, si aynu u bedbaadno Dal ahaan, Ummad ahaan, Diin ahaan, si aynu u bedbaadno Mustaqbal ahaan.”

Sheekhu wuxuu sheegay inaan Ummadda lagu islaaxin karin Lacagtooda oo Dad gaar ah loo qaybiyo, “Hantida Ummadda oo Dad loo qaybiyaa Dadka ma ururiso, Koox la nooleeyaa Ummadda ma ururiso, ee way sii qaybiyaan Dadka. Dalku Islaax ayuu u baahan yahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Goormay Ummadi duntaa, Markay inyari noolaato, Goormay Ummadi duntaa, markay Inyari Talada xoog ku haysato, Goormay Ummadi duntaa, marka wixii Ummadda soo galaba ay inyari Carruurtooda u qaybiso.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu ka k warramay oo kale “Islaamku wuxuu u adeegaa Dad Dhibban, wuxuu u yimid inuu Dulmiga la dagaalamo, Marka Umadda la simo ayuu Islaaxu imanayaa, way garanayaan kuwaan la hadlayaa, Waar Dala hala bedbaadiyo, yaan laga dhigin Dawlad Maleeshiyaad ah, sida lagu shaqeynayaa waa Amma aan Anigu helo ama yaanay waxba iga dambaynin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Qaabka imika Cisaabaadku wax wadaan ama loo fikirayaa waa Anigu waa inaan sidaan doono yeelo ama waa inay noqotaan Dawlad Maleeshiyaad ah, Waar Dalka ha loo tudho.”

Sheekhu wuxuu sheegay inuu Dalku marayo Marxalad kala guur, baahi badanna Dadka hayso, “Marxalad kala guur ah oo aad iyo aad u Adag ayuu Dalku marayaa, Dadkuna way bakhtiyayaan, waxaan Maalin walba la kulmaa Nin iga Aqoon iyo karti badan oo ka mid ah Dadkii Dalkan wax ka dhigay ee wax u soo huray oo bakhtiyaya, oo u baahan in Raashin loo qaado (Carruurtiisa), kuwa Maanta (Dalka haysta) ee Carruurtooda Yurub iyo Maraykan (Geeyay) waxay ku faanaan Intaas oo Milyan baan haystaa.”ayuu yidhi.