Marwo Rooda Axmed Yaasiin oo xalay la xidhay

0
518

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa xidhay guddoomiyihii xisbiga UCID ee gobalka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin.

wwwwww

Marwo Rooda, ayaa la xidhay iyadoo maraysay degmada Abdaal, markaas oo ay ka soo noqotay magaalada Berbera, kuna soo jeeday Hargeysa. Waxa la sheegay inay safarka ku weheliyeen laba wiil oo ay mid walaalo yihiin.

Wax war ah hay’adaha ammaanku kama soo saarin xadhigeeda, laakiin Rooda ayaa markii la qabtay oo ay saxaafadda telefoon kula hadashay waxay u sheegtay inay qabteen ciidamo badan oo uu watay guddoomiyaha degmada Abdaal oo u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.

Rooda Axmed Yaasiin ayaa si adag u dhaliisha xukuumadda Somaliland, waxaanay caan ku tahay hadalo cad cad oo ad adag inay hawada u mariso madaxtooyada Somaliland.