Markii Ay Sii Dhimanaysay Ayaa Ay Dardaarantay Hanti Cid Kasta Oo Aragtay La Yaab Ku Noqotay

0
615

1Washington (Geeska)- Intii ay noolayd waxa ay qornayd faqiir, aan adduun lagu tuhmayn, waxa keliya ee la arki jiray iyada oo nolol maalmeedkeeda ka dabbaraysaana waxa uu ahaa dawaar ay waqti noloshiida ka mid ah ku shaqaysan jirtay, laakiin markii ay bukootay ee ay isu aragtay in ay xanuunkan ku gud gelayso ayaa haweenayda lagu magacaabo Jenny Viserto waxa ay qoyskeeda u qiratay in ay jirto khasnad aad u qaaliya oo gurigeeda taalla, meel ku began mishiin dawaar ah hoostiisa. Laakiin khasnaddii la helay lacag ma’ay noqon sida markii hore la filayey, balse waxa ay noqotay wax aan qof keliya maskaxdiisa ku soo dhicin.

Saddex maalmood kadib geerideedii ayaa carruur ay ayeeyo u tahay ay baadheen khasnaddii ay dardaarantay Jeany, dawaarka hoostiisii waxa ay ka heleen joornaallo aad u tiro badan oo boodh daboolay oo duuban, arrintaas oo aad ay uga yaabeen, dhaqso ugama ay joogsan ee waxa ay sii furfureen joornaallada illaa aakhirkii ay ku arkeen walxo ay fahmi waayeen. Waa sawiro qaaliya oo uu xardhay farshaxankii caanka dunida ka noqday ee Pablo Picasso, oo ahaa Isbaanish noolaa intii u dhexeysay 1881kii illaa 1973kii. Farshaxankan laga helaly khsnaddu waxa uu ahaa mid waqti dheer ka hor la xardhay oo ay Jeany lacag aad u yar ku iibsatay xilli aan weli qiimihiisa lagu baraarugin. Qoyskii waxa ay ka shakiyeen in farshaxankan ay heleen uu yahay asal iyo in kale, sidaa awgeed waxa ay u geeyeen shirkad iibsata aataarta qaddiimiga ah oo xarunteedu tahay magaalada London ee carriga Ingiriiska, waxa aanay shirkaddu u xaqiijisay in farshaxankaasi uu asal yahay, haddii ay iib u dhigaanna laga siisanayo lacag dhan 30 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.