“Marka Doorashada Loo Dhaqaaqo Ama Shacbiga Ayaa Guddoomin Doona Kulmiye In Lagu Khasaaray Oo Lagu Hoogay Ama Inaanu Nahay Xisbi La Mahadiyay”

0
915

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa doorashada maalmaha koobani ay haatan inga xigaan ku tilmaamay mid go’aamin doonta in xisbiga Kulmiye iyo hoggaaminta madaxweyne Siilaanyo Lagu hoogay oo farta dhexda lagaga qaniinay iyo in la mahadiyay oo qaranku guulo gaadhay.

Waxa uu wasiirka madaxtooyadu sida oo kale iska difaacay eedaymaha xisbiyada mucaaradka ahi ay ku soo ganayaan xisbiga talada dalka haya iyo xukuumada, ee la xidhiidha in xukuumadda Madaxweyne siilaanyo dalka xaraashtay, waxaanu isagoo wasiirku shalay ka hadlayay furitaan loo sameeyay xarunta Dam-damiska uu yidhi  “Waa lays dafirayaa waxaanu arkaynaa rag aanu talada dalka isku hayno oo habeen iyo maalin talo kaga ururtay cay canajaraa jifayn  iyo dafiraad,waxaanu leenahay waar wax waxaas dhaama la kaalaya anagu caytami mayno aflagaadoona mayno dalkiibaa la cunay oo dadkiibaa la xaraashay waar erayadaasi waa aflagaado ninkii haya wax la cunay iyo wax la xaraashay shacbiga Somaliland indhahooda ayay qabaane ha keeno, cay weeye waxa ugu sahlan ee uu qofka aadamaha ah kari karo, way sahlantahay inaad qof ama xisbi caydo laakiin xaqiiqo ayay u baahan tahay, markhaatiguna maaha ragga na caayaya iyo kuwa talada dalka aanu isku hayno, sharcigeena iyo dhaqankeenaba qofku markhaati iskuma furo, waxaanu leenahay gartayada ma galo nimaan rag aqoon oo rabi aqoon oo run aqoon.”

Isagoo hadalkiisa sii watana shacabkana ku tilmaamaya kuwa laga sugayo garta maalinta doorashadu dhacayso wuxuu yidhi “Dhawr iyo soddon habeen ayaa doorashada ka hadhay  Kulmiye inuu dalka soo doojay, Axmd Siilaanyo iyo maamulkiisii in la mahadiyay waxay cadaan doontaa marka doorashada loo dhaqaaqo ama shacbiga ayaa guddoomin doona Kulmiye in lagu qasaaray oo lagu hoogay  oo farta dhexda lagaga qaniinay ama shacbiga ayaa muujin doona inaanu nahay xisbi la mahadiyay iyo hoggaan la mahadiyay Kulmiyena uu yahay xisbi wax qabtay. Toddobadii sanadood Hargeysi waa taas camirantay ee laban laab kortay ee maanta ku fadhida in aan ka yarayn todobaatan kilomitir ee balaadhatay ee magaalooyinka Soomaalidu degto maanta kuwa ugu waaweyn ka mid ah, waa qiimo weyn nabada iyo horumarka iyo himilada iyo hamiga ayaa keena hadaan hogaan wanaagsan iyo talo wanaagsani jirin shacbigu ma aamineen waxaas.”