Marka Ay Madaxdu Cadhooto Sidan Ayey U Dhaqmaan

0
694

Hargeysa (Geeska)- Marka ay hoggaamiyeyaashu cadhoodaan, sidan ayaa ay u dhaqmaan waxa ay cinwaan u ahayd warbixin dheer oo ay diyaarisay wakaaladda wararka ee Faransiiska iyada oo ka duulaysa dhacdadii dhowr sano ka hor ka dhacday shirka dhaqaalaha adduunka ee Davos oo ahayd markii uu shirka cadho kaga baxay raysalwasaaraha dalka Turkey Rajab Dayib Ardogan. Kulanka Davos oo ka dhaca magaaladan loogu magac daray ee Davos ee dalka Switzerland ayaa sannadkii 2009ka mar ay madaxda ka qayb qaadanaysay dood lahaayeen, uu ka baxay raysalwasaare Rajab Dayib Erdogan oo ka cadhooday xasuuqii ay Yuhuuddu ka geysatay marinka Qaza.

Wakaaladda wararka ee dalka France waxa ay maqaalkeedan ku xustay madax hore oo sidan oo kale kulamo caalamiya ama fagaareyaal la isugu yimi inta ay cadhadeen ku kacay ficillo ka baxsan kii lagu yaqaannay diblumaasiyadda. Waxa ay wakaaladdu sheegtay in kuwani ay yihiin tusaalaha nooca madaxdu u dhaqanto marka ay cadhoodaan, waxa ay wakaaladdu qormadeedan ku tidhi, "Raysalwasaaraha Turkey Rajab Dayib Ardogan waxa uu khamiistii gidaarka ku dhuftay dhaqannadii diblumaasiyadeed markii uu ka kacay dood lagu falan qaynayey weerarkii Israel ee Qaza. Waxa aanaan idiin soo gudbinaynaa tusaaleyaal kale oo ka waramaya dhaqannada sida caadiga ah aan looga baran madaxda dunida ee qaarkood ku kaceen marar ay cadhaysnaayeen sidan oo kale:

1. “Waanu idin aasi doonnaa” Hoggaamiyihii midawga Soofiyati Nikita Khrushchev oo sanadkii 1956-kii la hadlayey koox diblumaasiyiin ah oo ka socday dalalka hanti-goosadka ah ee Maraykanku hor kacayey, ayaa isaga oo ka cadhaysan dhaqannada dalalkooda ku yidhi, "Waanu idin Aasi doonnaa" arrintaas oo diblumaasiyiintii iyo warbaahintii dunida oo dhan ku noqotay u qaadan waa, waayo loogama baran in hoggaamiye dal uu sidan oo kale ugu hanjabo diblumaasiyiin marti u ah.

2. Miiska oo kabaha lagu garaaco: Isla hoggaamiyahaa midawga Soofiyati Nikita Khrushchev ayaa sannadkii 1960kii mar xarunta Qaramada Midoobey uu ka socday kulan lagu gorfaynayo arrimo caalami ah inta uu cadhooday ayuu kabaha la baxay oo uu miiska la dhacay.

3. Qudhaanjadii Japan / Afartii nine e Ingiriis ba mid baa yaqaan dhaqanka ah in uu jinsigiisa wax moodo: Sannadkii 1991kii Edith Cresson oo illaa hadda ah gabadha keliya ee raysalwasaare ka noqota dalka France ayaa dadka Japan iyo qaabkooda shaqo ku tilmaamtay nooca qudhaanjada. Haweenaydani intan kumay joojin ereyada aflagaadada ah loo arkay ee aan looga baran madaxda, ee mar kale waxa saxaafadda dalka Ingiriisku bogagga hore ku qoreen in ay raysalwasaaraddani sheegtay in Afartii nin ee Ingiriis ahba midkood yahay ragga ragga u taga.

Hadalladan raysawasaaruhu waxa ay meel xun gaadhsiiyeen xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeyey dalkeeda iyo dalalkan. Taas oo kalliftay in raalli gelin uu dalka Faransiisku ka bixiyo.

4. Muran iyo feedh: Sanadkii 1996-kii Raysalwasaarihii dalka Canada Jan Cretan ayaa isaga oo meel fagaare ah jooga waxa uu aad uga cadhooday mid ka mid ah dad ku mudaharaadayey oo ka cabanayey faqriga iyo dhaqaale xumada, kadib inta uu qoorta soo qabtay ruuxii mudaharaadayaasha ka midka ahaa, ayaa uu feedh kaga dhuftay afka, waxaana labadoodii dhex maray dagaal gacanta ah oo keenay in ninkii mudaharaadayey dhawr ilig wax la yeelleeyo.

5. Beed lagu shiiday ayuu Feedh kaga jawaabay: Sannadkii 2001dii nin mudaharaadayey ayaa xabbad beed ah ku dhuftay raysalwasaare ku xigeenkii ingiriiska John Prescott oo ka qayb qaadanayey isu soo bax olole doorasho oo ka dhacayey gobolka Wales, Raysalwasaare ku xigeenkii inta uu cadho cirka maray ayuu ninkii soo qabtay oo xabbad feedh culus ah oo dhulka u tuurtay ku dhuftay.

6. Shaydaankii Maraykan: Sanadkii 2006da ayaa madaxweynaha dalka Venezuela isaga oo ka hadlaya xarunta Qarmada Midoobey oo uu ka socday kulanka guud ee dalalka ku jira Qaramada midoobey waxa uu ku tilmaamay madaxweynihii hore ee Maraykanka George Bush oo markaa xilka hayey in uu yahay Shaydaan, waxa aanu yidhi, "Halkan aan maanta taaganahay, waa halkii uu Bush taagnaa maalintii iga horreysay, sidaa awgeed waxa weli ka sii uraya urtiisa oo u eeg ta shaydaan ama beed qudhmay" Arrintan uu madaxweyne Hugo Chavez ka hor yidhi kulanka guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa waxaa aad ugu sacabbiyey dalal badan oo ka soo horjeeday siyaasadihii xilligaas ee Bush, laakiin dalka Maraykanka ayaan isagu maalintaa kulanka iman oo dabcan iska sii dareensanaa in ay sidan wax u dhici doonaan, sidoo kale waxaa jiray dalal tiro yar oo Maraykanka la jiray oo khudbadda inta ay ka cadhoodeen dibadda uga baxay madasha khudbaduhu ka socdeen.

7. Aaamus (Hus): Madaxweynihii dhintay ee dalka Venezuela Hugo Chavez ayaa sannadkii 2007da mar uu ka hadlayey kulan ay yeeshaan Spain iyo dalalka Latin Ameerika waxa uu si adag u weeraray boqorka Spain Juan Carlos  oo isna inta uu cadhooday mar qudha cod dheer ku yidhi, "Aaamu, (Hus)"

8. Iga hor dhaqaaq doqonyahow liitaa: Sanadkii 2008da ayaa madaxweynihii xilligaas ee dalka France Nicolas Sarkozy mar uu booqanayey beer waxa uu dareemay xaqiraad iyo yasid markii nin beerta joogay oo uu doonay inuu salaan ku gacan qaado uu gacantiisa ka laabtay. Sarkozy oo aad uga cadhaysan ninkan salaami waayey ayaa inta uu ninkii indhaha ku gubay waxa uu ku yidhi, "Iga hor dhaqaaq Doqonyahaw liitaa"