Marka Aad Jabbaan Joogto Xitaa Haddii Maskaxdaada Ay Ku Soo Dhacdo In Aad Fal Dambiyeed Samayso, Waxaad Mutaysanaysaa Ciqaab

0
1001

Tokyo (Geeska)- Baarlamaanka dalka Jabbaan ayaa maalintii khamiista ee toddobaadkii hore ansixiyey sharci cusub dembi ka dhigaya in qofku uu ku fikiro dembi falis ama in uu dhagar iyo dembi galo. Sharcigan oo bishii hore ee Ogos uu isbahaysiga dalka Jabbaan hoggaamiyaa soo hordhigay golaha baarlamanka ee dalkaas ayaa dembi qofku ciqaab adag ku mutaysanaya ka dhigaya in qofku uu kuba fikiro in uu dembi galo.

Xukuumadda uu hoggaamiyo raysalwasaare Shenso Aabbe ayaa mar ay ka hadashay sharcigan cusub waxa ay sheegtay in “Xeerkan cusubi uu dembi ka dhigayo qorshaynta iyo ka fikirsta dembi falista. Taas oo caawin doonta in laga hortago in falal argagaxiso ahi dhacaan, xilligan oo uu dalkaasi isu diyaarinayo qabashada ciyaaraha olombikada adduunka oo ku beegan sannadka 2020”

Raysalwasaare Aabbe oo warbaahinta la hadlay isla khamiistii ayaa isna waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “xukuumadda Jabbaan waxa ay doonaysaa in ay sharciga u adeegsato si waxtar uu ku yeelan karo oo lagu ilalain karo nolosha iyo badqabka dadka rayidka ah iyo hantidooda” Dhinaca kalana xoghayaha guud ee golaha wasiirrada xukuumadda Jabbaan ushid Soga ayaa ayaa niyadda u dejiyey dad badan oo ka cabsi qaba in sharcigan cusub ay xuquuqdooda sharciga ah ku waayi karaan, waxa anau sheegay cabsidaasi ay tahay mid aan sax ahayn, maadaama oo sharcigan sida uu sheegay looga dan leeyahay oo keliya in nabadda lagu sii adkeeyo.

Si kastaba ha ahaato ee qaar ka mid ah ururrada u dooda xuququda aadamaha ayaa caddeeyey sida ay uga xun yihiin sharcigan oo ay ka cabsi qabaan in loo adeegsado xakamaynta xorriyadaha dadka iyo xaqa ay u leeyihiin dibad baxyada.