Maraykanka Oo Soo Saaray Digniin Ammaan Oo Ku Socota Hawlwadeennada Safaaraddiisa

42
11833

Addis Ababa (Geeska)- Dawladda Maraykanka ayaa soo saartay digniin socdaal oo ay shaqaalaheeda muwaadiniinta ah iyo masuuliyiinta kala duwan ee safaaraddeeda uga digayso in ay toddobaadkan u socdaalaan, ka baxaan ama dhex socdaan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, oo ay maalmihii u dambeeyey ka jireen xiisado amni darro abuuri karaa.

Digniin socdaal oo maalintii shalay ka soo baxday safaaradda uu Maraykanku ku leeyahay dalka Itoobiya ayaa hawlwadeennada aan hawlaha aadka u muhiimka ah u socon loogu diidayo in ay magaaladaas tagaan. Qoraal ay safaaradda Maraykanku ku leeyahay Itoobiya ku faafisay boggeeda internet ka ayaa ay ku tidhi, “Safaaradda Maraykanka, waxa ay sii wadda in ay si dhow ula socoto wararka ka hadlaya dibadbaxyada, kacdoonnada rayidka ah iyo xiisadaha ka jira guud ahaanba magaalada Addis Ababa, iyada oo dawladduna ay booliis arrintaas jawaab u ah magaalada dhigtay. Waxaa laga yaabaa in ay dhacdooyinkani sii socdaan maalmaha fasaxa toddobaadka (Sabti iyo Axad) iyada oo aanay dadku ka warqabin ama war yar laga hayo (In ay xaalado kedis ahi dhacaan). Waxaa kale oo la filaynaa in booliiska magaalada la soo geliyey la sii kordhin doono, annaga oo sida oo kale isu diyaarinayna suurtagalnimada in waddooyinka la xidho, gaar ahaan xuduudka u dhexeeya magaalada Addis Ababa iyo gobalka ismaamulka Oromada, iyo sida oo kale gegida diyaaradaha ee Bole hareerihiisa”

Safaaradda Maraykanka oo warbixintaas kooban ee halka uu xaalku marayo iyo waxa la fili karo, kaddib shaqaalaheeda farriin u diraysa ayaa qoraalkeedan ku tidhi, “Shaqaalaha Maraykanka, waxaa lagula talinayaa in ay maalmaha fasaxa toddobaadka, iska daayaan socodka aan lama huraanka ahayn ee magaalada Addis Ababa gudaheeda ay ugu baxayaan. Sida oo kale, waxaa dib loo dhigay socdaallada ay shaqaalaha iyo masuuliyiinta Maraykanku ku imanayeenn ama kaga baxayeen Addis Abbaba, illaa laga gaadho 17ka Sabtembar ama inta ogeysiis dheeraad ahi soo baxayo”

Udu dambayntii safaaradda Maraykanku waxa ay shaqaalaheeda iyo masuuliyiinta Maraykanka ah kula talisay tallaabooyin caawinaya sugidda ammaankooda, kuwaas oo ah:

– In ay warbaahinta gudaha dalka kala socdaan hadba dhacdooyinka soo kordha.

– In ay ka fogaadaan meelaha uu buuqu ka jiro ama isu soo baxyadu ka dhacayaan.

– In ay si feejigan ula socdaan hareerahooda waxa ka socda.

– In ay si aan is muujin ahayn u dhaqmaan.

Waxa ay safaaraddu muwaadiniinteedan siisay lambarrada iyo cinwaannada ay tahay in ay kala soo xidhiidhaan wixii caawimo degdeg ah ee ay u baahdaan.

Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka socday xiisado badankoodu u dhexeeyaan qawmiyadaha Orodmada iyo Amxaarada, iska hor imaadyo kala duwan iyo dibadbaxyo ayaana ka dhacay magaalada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here