Maraykanka Oo Sheegay Inuu Dhimayo Tirada Ciidamadiisa

0
627

Picture1Xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa soo jeediyay qorshe lagu yaraynao ciidamada Mareykanka.

Chuck Hagel ayaa sheegay in tirada ciidammada Maraykanka la gaadhsiin doono heerkii ugu hoseeyay tan iyo dagaalkii labaad ee dunida.

Khudbad uu ka jeediyay Pentagon ayaa Hagel waxaa ku sheegay in tirada ciidamadada lagu soo reebo 400-450 kun oo askeri.

Ciidammada Maraykanka ee sida tooska ah u shaqeeya ayaa gaadhaya 520,000 oo askari.

Waxaa kale oo uu Hagel sheegay in la yareyn doono xurumaha militeri iyo in la dhimi doono tirada diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka ee Maraykanka.

Waxaa uu sheegay in Maraykanka ku qasban yahay inuu yareeyo qarashka ku baxa militeriga, kaddib labo dagaal oo uu sheegay inuu qarash badan ku baxay.

Miisaaniyadda wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa la sheegayaa inay ka badan tahay xilliyadii uu socday dagaalkii qaboobaa ee adduunka.