Maraykanka Oo Qirtay Inuu Baadhitaan Cilmiya Ku Sameeyey Qaab Dhismeedka Jidheed Ee Madaxweynaha Ruushka

0
438

Picture1Washington (Geeska)- Wasaaradda difaaca dalka Maraykanka ayaa jimcihii hore qiratay in koox khubaro ah ay si gaar ah ugu xil saartay in ay daraaseeyaan macnaha iyo fahamka xarakaadka ay sameeyaan xubnaha qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasa dunida, si loo fahmo shakhsiyaddooda iyo dabeecadahooda qarsoon, waxaana ka mid ah madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee dalka Maraykanka ayaa isaga oo arrintan ka hadlaya yidhi, “Cilmi baadhistan lagu samaynayo macnaha ay bixinayaan xarakaadka xubnaha madaxda dunida, muddo toban sano ah ayaa ay ka soo faa’idaysanaysay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku. Laakiin hadda ayaa ay wasaaradda difaacu bilowday, si ay iyaduna uga faa’idaysato arrimo la xidhiidha amniga iyo istaraatijiyadda” Masuul isaguna ka tirsan wasaaradda difaaca oo magaciisa in uu sheego ka gaabsaday ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushku uu yahay bu’da cilmi baadhistan, oo inteeda badani ay isaga ku waajahan tahay, waxa aanu fashiliyey in marar hore oo uu ugu dambeeyey sannadkii 2012ka uu Maraykanku cilmi baadhis ku sameeyey shakhsiyadda madaxweyne Putin.

Waxa kale oo uu warku sheegay in ugu yaraan 15 kale oo hoggaamiye lagu sameeyey cilmi baadhistan lagu ogaanayo luuqadda ay bixiyaan xubnaha jidhkoodu, ay ka mid yihiiin, Raysalwasaaraha Ruushka Dimitri Medavadiv, madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen, hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jung-oun iyo hoggaamiyihii ururka Al-Qaacida Usaama Bin Laadin.

Brenda Connors oo ku xeel dheer fasiraadda macnaha ku duugan xarakaadka xubnaha dadka ayaa maqaal ay qortay sannadkii 2004ta ku fasirtay xarakaadka xubnaha madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ay ku tilmaamtay in qaabka socodkiisu muujinayo in uu yahay nin halgan ugu jira in uu horumar sameeyo”