Maraykanka Oo Qaatay Rag Uu Ku Weeraray Duledka Magaalada Kismayo

0
791

 

USA-flagHargeysa(Geeska)-Ciidamada Maraykanka ayaa qaatay maydka amaba dhaawaca laba nin oo ay toddobaadkii hore ku duqeeyeen weerar ay ka fuliyeen koonfurta Kismaayo.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa fuliyay weerar dhinaca cirka ah oo ay la eegteen xero la sheegay inay leedahay kooxda Al-Shabaab oo ku taala Koonfurta Kismaayo, waxaana la sheegay inay weerarkaas ku dhaawacmeen laba nin oo ka tirsan madaxda Al-Shabaab, gaar ahaan kuwa ajaanibka ah. Wasiirka gaashaandhiga ee dawladda tabarta daran ee muqdisho Cabdikariim Maxamed Fiqi ayaa wakaaladda wararka ee AP shalay u xaqiijiyay inay maraykanku qaateen raggii ay ku waxyeeleeyeen weerarkaas oo aan ilaa hadda la kala xaqiijin inay dhaawac yihiin iyo inay noolyihiin.

Wasiirku, wuxuu caddeeyay inaanay dawladda Maraykanku ku soo wargelin hawlgalkaas oo la fuliyay 23 june, waxase uu sheegay inaanay taas ka cabanayn balse ay dawladda Maraykanka ku dhiirigelinayaan inay sii waddo weerarada noocaas ah oo uu sheegay in lagu waxyeelayn karo Al-Shabaab.