Maraykanka Oo Ka Hadlay Tirada Dadka Rayidka Ah Ee Ay Diyaaradaha Drones-ku Dileen

0
548

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sii daayay warbixin muddo dheer laga sugayay oo ku saabsan dadkii rayidka ahaa ee lagu dilay weerarada meelaha furimaha ka baxsan ay ka fuliyeen dayuuradaha aaney cidina wadin ee Droneka ee Mareykanka.

1

Warbixintan ayuu Aqalka ku sheegay in inta u dhaxeysa 64 ilaa iyo 116 qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqeymaha Droneska Mareykanka intii u dhaxeysay sanadihii 2009kii iyo 2015kii.

Afhaheen u hadlay Aqalka cad oo la yirahdo, Josh Earnest, ayaa sheegay in Istaraatiijiadda Maamulka Obama ee ku aadan la dagaalanka argagixisada ay tahay mid aan mid haad furan oo la aamini karro.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Obama uu ku dhawaaqi doono Amar Madaxweyne oo cusub oo bixinaya macluumaad la xidhiidha dadaalo la doonayo in looga fogaado waxyeeleynta rayidka – isla markaana lagu soo bandhigo haddii ay dhacdo in dad rayid ah ay waxyeello ka soo gaarto.

Warbixintan ayaa ku saabsan duqeymaha Droneka ee ka dhaca meelo uu maamulka ugu yeedhay goobaha aysan ciidamada mareykanka dagaal toos ah uusan ku socon. sida Pakistan, Yemen, Libya iyo Somalia.

Waxaan lagu soo darin warbixintan dadka rayidka ah ee ay Droneska Mareykanka ku dileen Afghanistan, Ciraaq iyo Syria.

Tirada uu Maamulka Obama shaaciyay ayaa aad uga hooseysa qiyaaso ay horey u sameeyeen dhinacyo kale – kuwaa oo tirada gaadhsiinayay inta u dhaxeysa 200 ilaa iyo kun qof.