Maraykanka Oo Fiisaha U Diiday Wakiilka Iran Ee Qaramada Midoobay

0
547

Picture5Aqalka cad ayaa sheegay in Mareykanka aanu warqadda dal ku galka ee fiisaha aanu siin doonin nin ka cusub ee loo magacaabay inuu noqdo safiirka Iran u fadhiyi doono qaramada midoobey.

Hamid Aboutalebi waxaa lala xidhiidhinayaa kooxdii weerartay safaaradii Mareykan-ka ee magaalada Tehran sanadkii 1979-kii, maamulka Mareykan-ka ayaana si adag uga soo horjeestay magacaabistiisa.

Maalintii Khamiista, aqalka wakiilada ee dalka MAreykanka ayaa ansixiyay in loo diidi karo visooyinka shaqsiyaadka loo arko inay argagixiso yihiin ama halis ku yihiin amniga.

Afhayenka aqalka Cad ee Mareykanka — Jay Carney – ayaa sheegay inay taageersan yihiin sharcigaa cusub.

Iiran ayaa ku dhawaaqday in go’aanka Mareykan-ka uu yahay mid nasiib daro ah, oo dhib ku ah sharciga caalamiga ah.

Waxayna intaa ku dartay in Mr Aboutalebi uu ka mid yahay kuwa ugu aqoonta badan dhanka diblumaasiyadda, una istaagi doono booska loo magacaabay.

Waxaa la rumeysan yahay in Mareykan-ka uusan weli visa u diidan safiirada Qaramada midoobey loo dirsado.

Arrintan ayaa wax ka bedeli karta wada hadalka IRAN iyo dalalka awoodda dhaqaale iyo hub leh oo hadda galay wejigiisi saddexaad, laakiin Mr Carney ayaa xaqiijiyay in go'aanka aanu saameyn doonin wadahadalada hadda u socdo labada dhinac ee ku saabsan barnaamij ka nuclear ka Iiran.