Maraykanka Oo Dadka Fiisaha Ka Dalbanaya Shardi Kaga Dhigay In Ay Sheegaan Furayaasha Akoonkooda Facebook

0
739

Washington (Geeska)- Masuul sare oo Maraykan ahaa jimcihii ina dhaafay sheegay in Maraykanku dhowrkii maalmood ee u dambeeyey dhaqan geliyey shardi cusub oo lagu xidhayo dadka dal-ku-galka ka dalbanaya, taas oo ah in ay sheegaan xogo la xidhiidha cidda ay yihiin iyo weliba akoonnada ay ku leeyihiin barkulannada bulsho ee internet ka, arrintan oo qayb ka ah siyaasadaha madaxweyne Trump uu ku adkaynayo in dalkiisa loo hijroodo.

Masuulkan oo sheegay in shardigan lagu dhiqi doono dhammaan dadka dal-ku-galka soo dalbada jinsiyad kasta oo ay yihiin waxa uu sheegay in uu dhaqangalkiisu bilowday 25kii bishii Meey ee aynu ka soo gudubnay, waxa se uu caddeeyey in haddana shardigani uu raadayn doono keliya boqolkiiba mid ka mid ah dadka tiradoodu ka badan tahay 13 ka Milyan ee qof ee sannad kasta dal-ku-galka Maraykanka soo codsada, maadaama oo dadka kale ay caadi ahaan ka soo jeedaan dalal Maraykanka kula jira heshiisyo isu-socod oo ka dhaafayaba in ay dal-ku-gal dalbadaan.

Masuulkan oo aan magaciisa sheegin ayaa intaas ku daray in wasaaradda arrimaha dibadda oo uu ka tirsan yahay ay ka masuul tahay dhaqangelinta shardigan oo ku soo baxay wareegto uu madaxweyne Trump soo saaray bishii Maaris 2017. Sida lagu sheegay war uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya, masuulkan oo sii faahfaahinaya shardigan ayaa yidhi, “Dadka soo codsada dal-ku-galka waxa aanu ka dalban doonnaa in ay keenaan xogo dheeraad ah oo shakhsiyaddooda ku aaddan, iyo si gaar ah xogta baraha bulshada ee ay isticmaalaan, lambarrada baasaboorro hore, haddii ay lahaayeen, in ay si dheeraad ah uga warramaan safarrada kale ee ay hore u galaan, shaqada ay ka shaqeeyaan iyo cidda ay xidhiidho la’ leeyihiin iyo xitaa in ay xog dheeraad ah ka bixiyaan xubnaha qoyskooda.