Maraykanka Oo Caddeeyey Dalka Uu Cadowgiisa Rasmiga Ah U Aqoonsan Yahay

0
616

Washington (Geeska)- Wasiirka difaaca ee dalka Maraykanka James Mattis ayaa dalka Koonfurta Kuuriyada ku tilmaamay cabsida ugu weyn uguna khatarta badan ee amniga dalkiisa soo waajahaysa, isaga oo dhinaca kalana ka digay in uu dib u soo noqdo loollankii quwadaha waaweyn, marka la eego caqabadaha isa soo taraya ee awooddii hore ee Maraykan kaga imanaya Ruushka iyo Shiinaha.

Wasiir Mattis oo warmurtiyeed soo saaray ka hor intii aanu ka qaybgelin kulan ay guddida ciidamada qalabka sida ee golaha odayaasha Maraykan ku waraysanayeen Isniintii toddobaadkii ina dhaafay, ayaa yidhi, “Kuuriyada Woqooyi waa cabsida ugu weyn, uguna khatar badan ee weliba sida joogtada ah ugu soo noqnoqonaysa nabadda iyo amniga” Mattis waxa uu farta ku fiiqay in cabsida ammaan ee dalkiisa kaga imanaya dalka Kuuriyada woqooyi ay ka weyn tahay khatarta amni ee kaga imanaysa Ruushka, Shiinaha, Iiraan iyo xitaa ururrada loogu yeedho argagaxisada.

Warka wasiirka ayaa yimid bilo yar uun kadib markii uu Ruushka ku sheegay in uu yahay khatar weyn oo uu dalkiisa Maraykan waajahayo. Waxa aanay u muuqataa in fikirkan wasiirka difaaca Maraykanku uu isla beddelay tijaabadii labada jeer ahayd ee uu dhowaan dalka Kuuriyada Woqooyi ku sameeyey hubka Nukliyeerka ee uu samaystay. Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen gantaalaha Balastikada loo yaqaanno oo qaadi kara madaxyada Nukliyeerka.

Wasiirka difaacu waxa uu hoosta ka xariiqay in barnaamijka Nukliyeerka ee Kuuriyada Woqooyi uu khatar run ah oo cid kasta gaadhaysa yahay iyo in hawlaha nukliyeerka ee dalkaasi wadaa ay yihiin kuwo daandaansi badani ka muuqdo oo baalmarsan sharciga caalamiga ah, khatartaas oo aanay waxba ka dhimin cunoqabataynta iyo haddidaadaha Qaramada Midoobey ee arrintan ku waajahan.

Dhinaca kalana wasiir Mattis iyo taliyaha guud ee cidiamada qalabka sida ee Maraykanka Janaraal Joseph Dunford ayaa ka digay waxa ay u arkaan masiibo ka dhacaysa jasiirad u eegta Kuuriya haddii tallaabo milateri laga qaado dalka Kuuriyada woqooyi, “Waxa uu noqon doonaa dagaal aynaan noociisa arag tan iyo sannadkii 1953-kii” ayaa uu yidhi wasiir Mattis oo tilmaamaya dagaalkii Kuuriya ee dhammaaday 1953-kii, waxa aanu intaas ku daray, “Waxa uu noqon doonaa dagaal aad u khatar badan”

Sarrayntii Milateri ee Maraykanka oo ay ka hortimid carinta Ruushka iyo Shiinuhu

Mattis waxa uu sheegay suurtogalnimada in dunida uu dib ugu soo noqdo ‘Loollankii Quwadaha’ waaweyn, waxa aanu ka digay wax uu u arko khatar soo waajahday nidaamka caalamiga ah oo ka imanaysa Ruushka iyo Shiina oo “Carin ku haya sarrayntii milateri ee Maraykanka, kadib markii ay labadan dal horumar la taaban karo ka gaadheen tiknoolajuyadda hubka badda, barriga iyo cirka”

Mattis oo arrimahan ka soo hadlaya ayaa yidhi, “Soo noqoshada loollankii quwadaha waaweyn ee dunida, oo ay ka mid yihiin Ruushka oo soo noolaanaya, sidii hore si ka badanna colaadda ugu darban iyo Shiinaha oo aad kor ugu soo kacaya, sidii uu ahaan jirayna ka dhiirran, kana hal-adag, kalsoonida uu isku qabaana ka badan tahay, arrimahaas ayaa nidaamka caalamiga ah ku haya khatar colaadeed”

Dunford ayaa isaguna Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan ku tilmaamay khatartaha runta ah ee soo waajahaysa ciidamada qalabka sida ee Maraykanka, “Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan waxa ay horumar ballaadhan ka samaynayaan awoodda ay u leeyihiin dhinaca Elektarooniga, Hawada Sare, Cirka, Badda iyo Barriga. Hoarumarkaas oo ay dalalkani ku xakameeyeen awoodahayagii aanu ciidamadayada ku fidinaynay, adeegsigoodii iyo xoojintoodiiba”

Dunford waxa uu sheegay in Maraykanka uu khilaaf ka dhexeeyo Ruushka, halka Mattis uu sheegay in illaa hadda inta u muuqata aanay jirin caddaymo muujinaya in Ruushku uu doonayo in uu xidhiidh togan la wadaago dalka Maraykanka. “Waxaa muuqata in Ruushku uu doortay in uu Maraykanka ku noqdo loollame Istaraatiji ah” ayaa uu yidhi.

In masuuliyiinta ugu sarreeya milateriga Maraykanku isku raacaan in Kuuriyada Woqooyi ay tahay khatarta ugu weyn ee Maraykan maanta soo waajahaysaa waxa ay calaamad aan fiicnayn u tahay xaaladda amni darro ee dunida in ay ku soo biirto looga cabsi qabo, waxa aanay suurtogal ka dhigaysaa colaad hubaysan oo ka dhacda jasiirad u eegta Kuuriya oo marka horeba aanay nabadi dhex oollin nus qarnigii u dambeeyey.

Hadallada qallafsan ee ay masuuliyiintan Maraykan kaga hadlayaan xidhiidhka Ruushka iyo Maraykanka ayaa iyaguna caddaynaya in sarrayntii Maraykan ee dunidu meesha ka baxday, hadda kadibna la filan karo in ay soo baxaan quwado yaryar oo saamayn ku yeesha dunida.