“Mar Haddii Aan La Dhowrayn Xasaanaddii Xisbinimo, Booliska iyo Maxkamadahu Ha Soo Xidhaan Cirro iyo Jamaal…”Garyaqaan: Barkhad Jamac Batun

0
535

Goor sheegtu waxay aheyd 10:00AM Ramadaan kowdeedi kadib markii bartanka suuqa askari ka qabatey Afhayeenkii Garabka dhalinyarada xisbiga waddani Mudane, Maxamed Sadiiq dhamme iyadoo aan loo wadan waaran soo qabasho oo maxkamad sharci ah ka soo baxay sidoo kalena aanu faraha kula jirin denbi huwanna xasaanad xisbi qaran sida ku cad qodobka 25aad ee dastuurka dalka firqadiisa 2aad oo leh: “Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.

1

2. ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.” Maxamed wuxu hadda xidhan yahay muddo ku siman 13 cisho iyadoo xalayna aad ugu dhex xasuusaday saldhiga uu ku xidhan yahay ee magaalada hargeysa.

Muddadii uu xidhnaa waxaanu maalin kasta joognay anagoo ah madaxda iyo masuuliyiinta sare ee xisbiga waddani maxkamada gobolka hormuudna uu noo ahaa gudoomiye kuxigeenka kowaad ee xisbga ahna ku simaha gudoomiyaha Mudane, Axmed mumin seed si aanu u ogaano cidda haysta iyo waxa lagu haysto.

Wuxu gudoomiyaha maxkamadda gobolka hargeysa noo sheegay iney ku xidhan yihiin Maxamed iyo dhalinyarada kale ka hadalka arimaha dekeda, waxaanu is weydiiney goormaa xisbi dhan oo mucaarid loo diiday inuu sheego dhaliilaha dawlada ileyn sharciga iyo xeerka dalka u yaal ayaaba dhigaya in axsaabta mucaaridku xaq u leedahay dhaliisha dawladee? Sida ku cad qodobada dastuurka ee kala ah 21, 22, 23 Iyo qodobka 8aad firqadiisa 4aad ee xeerka axsaabta qaranka xeer 14 oo leh: Xisbiyada Qaranka ee la siiyey shahaadada xisbinimo siyaasadeed, waxay xaq u leeyihiin: iney si xor ah u dhaliili karaan xukumadda fartana ku fiiqi karaan wixi ay xumayneyso. Balse waxaanu tixgaliney madaxbanaanida garsoorka iyadoo rajo weyn aanu ku qabnay inuu si deg deg ah xoriyadiisa u heli doono, waxaanu gudoomiyaha ka codsaney in booliska iyo xeer ilaalintu keenaan faylka dacwada loo haysto si aanu uga jawaab celinno loona mudeeyo garmaqalka dacwada loo haysto balse may san dhicin oo waxaa cadaatey iney xeer ilaalintii iyo booliskiba ku fashilmeen dhameystirka faylka dacwada!

Waxay tallaabadani daliil u tahay iney xukummadu meesha ka saartay madaxbanaanidii garsoorka sidoo kalena madaxtooyadu cadeysatey awoodeeda ku tagrifalka sharciga dalka u yaal, haddii sidan ay ku sii socotana waxaan dhicidoonta iney maxkamadaha iyo boolisku iney cirro iyo Jamaal xabsiga dhigaan markay xukumadda dhaliisheeda sheegan

Amniga iyo Cadaaladdu waa laba tiir ee ugu weyn ee qarankan qaab dhismeedkiisu ku joogo waxaana ka masuul ah Gudoomiyaha Maxkamada sare Mudane, Adam Xaji Cali Axme iyo Taliyaha Booliska Mudane, Sareeye guuto C/lahi fadal iman oo runtii caqabado iyo culeys badani haysto waxaana hubaal ah iney kaalin weyn ugu jiraan qaranka marka loo eego nabad galyada oo mihiim ay tahay in mucaarid iyo muxaafidba laga shaqeeyo iyo ilaalinta cadaaladda oo ah waxa lagu wada nool yahay. Haddaba waxaan ka codsanayaa labadaas masuul iney si xeel dheer uga fikiraan masuuliyada Alle saaray oo qiyaamaha la waydiin doono cidna ayna u habran xaqana ilaalintisana ay ku dadaalaan.

Xoghayaha Cadaaladda Xisbiga Waddani

Garyaqaan: Barkhad Jamac Batun

Email: Barkhad909@live.com