Maqaal Uu Qoray Qof Magaciisa Qariyey Ayaa Kala Shaki Ka Dhex Abuuray Madaxda U Sarraysa

24
3293

Washington (Geeska)- Maqaal uu qof magaciisa qariyey qoray oo arbacadii ina dhaaftay ku soo baxay wargeyska caanka ah ee New York Times, ayaa shaki ku riday madaxda aqalka cad ee Maraykanka oo uu ugu horreeyo madaxweyne Donald Trump. Maqaalkan oo uu madaxweyne Trump ku tilmaamay, “Habdhaqan khatar ah iyo rabash” ayaa ay xukuumaddu maalmihii u dambeeyey dadaal adag ugu jirtay sidii ay u heli lahayd qofka uu dhab ahaan yahay qoraaga maqaalkan, ee magaciisa qariyey.

Masuul ka tirsan Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa maqaalkan ku qoray wargeyska New York Times, laakiin magaciisa ma’ uu sheegin, kaddib markii uu sidaas kula heshiiyey wargeyska. Arrimaha ka cadhaysiiyey Trump ee uu qorayna waxaa ka mid ah, “Anigu waxa aan ka mid ahay koox wax-iska-caabbin ah oo ka dhexjirta xukuumadda Trump” isaga oo uga jeeda in isaga iyo rag kale oo xukuumadda ka tirsani ay ka soo horjeedaan siyaasadaha madaxweynaha, kuna heshiiyeen in iyaga oo xukuumadda ka tirsan, haddana ay ka hortagaan waxa uu ugu yeedhay “Simbiririxooyinka madaxweyne ay hoggaamintiisu tahay macnadarro iyo dhacdhac aan wax waxtara lahayn”

Qoraaga maqaalku waxa uu madaxweyne Trump ku sheegay, “Waxa uu dilayaa wanaaggii umadda.. sidaa awgeed waxa aanu axdi ku qaadannay in inta uu xilka hayo, aanu intii awooddayada ah, ilaallinno hay’adaha dimuqraaddiga ah, kana hortagno waxyabaha in laga xumaado ay tahay ee dhiirrigelinaya mudane Trump”.

Madaxweyne Trump ayaa isla galabnimadii uu maqaalkani ku soo baxay wargeyska New York Times waxa uu bartiisa twitter ka ku faafiyey farriin cadho ka muuqato oo uu ku sheegayo in ay ‘U eegtahay in ay cid khiyaamo kula dhex jirta maamulkiisu ay jirto. Isla maalintii xigtay ee khamiista ayaa uu mar kale mudane Trump bartiisa Twitter ka soo dhigay farriin uu ku weerarayo wargeyska maqaalka faafiyey, isaga oo aad u quudhsaday anshaxa uu sheegay in ay ku dhaqanto waxa uu ugu yeedhay baahinta wararka beenta ahi”

Dhinaca kalana marwada koowaad ee Maraykanka Melanie Trump ayaa si aan looga baran, si adag qoraal ay marisay talefishanka CNN ugu jawaabtay qofka qoray maqaalka ee is qarinaya. Marwo Melanie waxaa qoraalkeeda ka mid ahaa, “Adigu dalka ilaalin maysid, balse falalkaa fulaynimada ah ee aad ku kacayso ayaa aad ku burburinaysaaba”

Maqaalkan ayaa ku soo beegmay soo bixista qaybo ka mid ah buugga, “Cabsida” oo uu qoray warfidiyeenka xog baadhista caanka ku ah ee Bob Woodard. Buuggu waxa uu gacanyareyaasha sare ee Trump ku tilmaamay ‘kuwo aan mararka qaarkood dan ka gelin amarradiisa, gaar ahaan kuwa ay u arkaan in ay yihiin habdhaqanno burburin ah oo khatar ku ah dalka’.

Maqaalkan ayaa abuuray su’aalo badan oo ay ka mid tahay, “Qoraagu ma keli ayaa uu maqaalkan ku yahay, mise waxaa jirta koox aragtidan la qabta oo u uu hadlayo? Qoraagu ma ka mid yahay dadka ku dhow madaxweyna Trump? Suurtagal ma tahay in uu bannaanka u soo baxo, si xogtan uu maqaalkiisa ku qoray ay u yeelato miisaan inta imika ka weyn?

Wargeyska New York Times ayaa si guud u tilmaamay qoraaga maqaalkan. Waxa aanu ku sheegtay, “Masuul sare oo ka tirsan xukuumadda Trump” arrintaas oo sii weynaysay dareenka dadku ku rumaysteen xogtan. Sababna u noqotay doodo ay dadku ku gorfaynayaan cidda uu qoraagu noqon karo iyo xaqiiqada maqalkan.

Waxaa iyaduna yaabkeeda leh oo maqaalkan qiimihiisa kor u sii qaaday, sababta xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka ku kalliftay in uu soo saaro war uu ku sheegayo in madaxweyne ku xigeen Mike Pence beri ka yahay qoridda maqaalka. “Madaxweyne ku xigeenku magaciisa ayaa uu raaciyaa maqaallada uu qorayo” ayaa uu bartiisa Twitter ka soo dhigay Garrod Eigen oo ah agaasimaha xafiiska warbaahinta ee madaxweyne ku xigeenka Maraykanka.

Madaxweyne ku xigeenka oo keli ahi maqaalkan iskama uu fogeyn, balse masuuliyiin tiro badan oo ka tirsan xukuumadda Trump ayaa iyaguna siyaabo kala duwan u soo saaray warar ay iskaga fogeynayaan. Waxaa ka mid ah agaasimaha sirdoonka qaranka Daniel Coats oo warmurtiyeed uu soo saaray ku yidhi, “Waa been abuur, wararka sheegaya in aan anigu qoray maqaalka ku soo baxay wargeyska New York Times ama gacanyarahaygu qoray” Wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka Mike Pompeo oo isna booqasho shaqo ku jooga dalka Hindiya ayaa dhawaaq dheer ku soo sheegay in aanu isaga ahayn qofka maqaalkaas qoray ee is qariyey. Waxaa isaguna arrintan iska fogeeyey wasiirka difaaca ee dalka Maraykanka James Mattes.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka Sarah Sanders ayaa iyaduna si dadban u dhalleecaysay wargeyska qoray maqaalkan walaaca badan abuuray. Waxa aanay warfidiyeennada xog raadinta u hamuum qaba dhammaantood kula talisay in ay soo helaan qofka maqaalkan qoray oo ay ku tilmaamtay mid ‘Khasaare ah’ kaddibna ay u gudbiyaan wargeyska New York Times oo ay ku sheegtay cidda keliya ee lagu yaqaanno ku lug lahaanshiyaha ficillada foosha xun.

John Brennan oo ah agaasimihii hore ee wakaaladda sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa sheegay in maqaalkani uu muujinayo illaa heerka uu gaadhsiisan yahay warwarka ka dhex jiray xukuumadda laftigeeda. Brennan oo hadalkiisa sii wadaa waxa uu yidhi, “Ma garanayo sida uu arrintan uga jawaabi karo Donald Trump”

Dhinac kalana, agaasimaha hore oo ka dardaar werinaya in uu Madaxweyne Trump arrintan kaga jawaabo tallaabooyin aargoosi oo fool xun ayaa yidhi, “Libaaxu haddii uu dhaawacan yahay, waxa uu noqdaa xayawaan aad u sii khatar badan, waxa aan u arkaa in Donald Trump uu noqday dhaawac”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here