Malaysia: Diyaarad Siday 239-Rakaab Oo La La’ayahay

0
499

Shirkadda Diyaaradaha ee Malaysia airlines ayaa sheegtay in mid kamid ah diyaaradaheeda la la’ayahay kadib markii ay ka baxday khadka isgaadhsiinta duulimaadyada laga maamulo.

1

 

Diyaaradda ayaa saqdii dhexe ee jimcihii  ka duushay garoonka diyaaraddaha ee magaalada Kuala Lumpur, waxaana ay kusii jeeday magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha.

Mid kamid ah madaxda Shirkadda ayaa sheegay in ay waayeen xidhiidhka ay la lahaayeen Diyaaradda, isla markaana aanay ogeyn waxaa sababay. Diyaaradda ayaa la filaayay in subixii hore ee sabtidii doraad  ay ka degto magaalada Beijing.

Wuxuu intaas ku daray in ay socdaan baadhitaano lagu ogaanayo halka ay ku dambeysay isla markaana kooxo badbaadiyaal loo xilsaaray.

Dhinaca kale masuuliyinta Shiinaha ayaa sheegaaya in diyaaraddu aanay soo gelin hawadooda isla markaana loo maleynaayo in ay ku sugan tahay hawada laga maamulo dalka Vietnam.

Warar soo baxaaya oo aan la hubin ayaa sheegaaya in diyaaradda ay si deg deg ah (Emergency) ay ugu degtay magaalo la yidhaahdo Nanming ee dalka Shiinaha.

Dadka diyaaradda saarna ayaa u kala dhashey 14-wadan, waxaana ay kala yihiin;

1. China – 152 qof iyo hal cunug
2. Malaysia – 38 qof
3. Indonesia – 12 qof
4. Australia – 7 qof
5. France – 3 qof
6. United States of America – 3 qof iyo hal cunug
7. New Zealand – 2 qof
8. Ukraine – 2 qof
9. Canada – 2 qof
10. Russia – 1 qof
11. Italy – 1 qof
12. Taiwan – 1 qof
13. Netherlands – 1 qof
14. Austria – 1 qof

Qoysaska dadka saaran diyaaradda ayaa soo buuxiyey garoomada diyaaraddaha Kuala Lumpur iyo Beijing iyagoo murugeysan, waxaana ay ka war dhowrayaan halka ay diyaaradda ku dambeyn doonto.