Malaayiin Baranbarooyin Duulaya Ah Oo Weerar Yaab Leh Ku Qaaday Magaalada Tel Aviv Ee Xarunta Israa’iil

0
1012

Tel Aviv (Geeska)- Heerkulka aadka u sarreeya ee magaalada Tel Aviv ee xarunta u ah maamulka Yuhuudda ayaa sababay in hirar baranbaro duulaysa ahi ay weerar ku soo qaadaan magaalada. Arrintaas oo warwar dhinaca fayodhowrka iyo xasiloonida nololeed ee dadka abuurtay.

Baranbaradan oo si aad ah loo la yaabay awoodda ay u leedahay in ay joog aad u sarreeya ku duusho ayaa si dhib yar ku gaadhay dabaqyada ugu sarreeya saraha dhaadheer ee magaalada. Waxa kale oo laga dareemayaa firfircooni dheeraad ah iyo xawaare ay adag tahay in la dilo.

Cilmi ahaan baranbaradu waxa ay si aad ah u firfircoontaa xilliga kulaylka, mar kasta oo kulaylku sii batana uu xawaaraheeda iyo dhaqdhaqaaqeeda firfircooni sii bato, waana sababta xagaagii aad loogu arko. Marka uu heerkulku 40 digrii kor u dhaafana lagu arko in firfircoonideedu gaadho heer ay awood u yeelato in ay duusho iyo in ay xawaare aad u dheeraynaya ku oroddo. Laakiin xilliga qaboobaha gaar ahaan qabowga ka hooseeya 10 darajo uu dhaqdhaqaaqeedu aad u yaraado.

Cilmibaadhayaasha Israa’iil iyo xeeldheerayaasha fayodhawrka ayaa aad uga digaya in heerkulka oo la filayo in uu sii kordhaa ay sababi doonto in baranbarada sida ayaxa u duulaysa magaaladu ay sii badato.

Arrintan oo kale ayaa Maraykanka lagu arkay sannadkii hore, waxa aanay warbaahinta kala duwan ee gudaha iyo dibadda dalka Maraykanku si aad ah uga sheekaysay waqtigaas, baranbarro hirar ah oo ku degtay magaalooyin tiro badan oo Maraykanka ka mid ah, gaar ahaan magaalooyinka dhinaca xeebaha xiga ee uu heerkulkoodu sarreeyey.