Majaraha Aqoonsiga Somaliland: Dhismaha Caqiido Waddani-dimoqoradi ah

0
60

Adam Muse Jibril, Qoraalkii afraad

Tirsigii ugu  dambeedyey ee taxanahan, soona baxay 10,Oct 2018, waxuu gunaantkiisu ahaa baahida loo qabo in hormoodka ummadda lagu tallaalo Caqiido Waddani-Dimoqoraadi ah, taas oo lagama maarmaan u ah dib u cusboonaysiinta geedi socodka Dawlad dhiska iyo furida irrido cusub oo laga galo majaraha aqoonsiga Somaliland. Tirsigan maantu waxuu gundhig iyo hordhac ba u yahay qaybaha dambe ee soo socda oo ku saabsan dib u eegid iyo dib u qiimqayn Caqiidada siyaasiga ah ee guud ahaan Somalida iyo gaar ahaan tan Somaliland, ayada oo laga eegayo xaaladaha maanta taagan ee caddaynaya baahida loo qabo dib eegid si loo kabo xagal-daaca ku abuurmay geedi-socodka Somaliland oo ka soo ifbaxay godaloolooyinka ka dhashay nuxurkii caqiidada Siyaasadda ee dalkau ku socday oo duugowday una baahan cusboonaysiin qoto dheer leh, taas oo haddii aan dibu dhisin lagu samayn  dhibaato weyn ku keeni doonta horumarka dimoqoraadiyada iyo nabada dalka.

Qoraalladani waxaa ay sidaas darteed, iftiinka ku daarayaan qaababkii kala duwanaa iyo heerarka ay soo mareen aragtitiyaha ay ku soo dhisantay guud ahaan dawladnimada qawmiyada Somaliyeed ila afartanaadkii qarnigii labaatanaad iyo sida looga gudbi karo hadhaageedii taariikhdu soo tuftay oo maaanta culays weyn ku ah horumarka nolosha, hadday tahay dhinaca Somalia ama xaggan Somaliland. Qoraaladan soo socda waxay sidoo kale ujeedadoodu tahay in si qoto leh loogu baraarugo su’aasha ah xaggee bay Caqiidada Siyaasadu kaga jirtaa horumarka, dibudhaca, iyo fashalka dawladaha ku dhaca (failed States) oo tii Somaliyeed ugu dambaysey.

Maxay tahay Caqiidada Siyaasaddu. Caqiidada siyaasaddeed ee wddaniga ahi waa feker laga soo shiilay maskaxo badan oo habaynaya ama iskudubbarida mabd’a guud oo ku wajahan ujeeddooyin waddani ah oo la doonayo in laga rumeeyo gaadhistooda. Ujeedooynkaas oo ah kuwo mar walba oo xaalad ka duwan tii hore soo deristo loo baahdo wax ka beddelid ama gebi ahaanba in la tuuro si mid kale oo ka haboon kana horumarsan la sameeyo. Hase yeeshe, wax ka beddelka tii hore waxay ku xidhantahay la sameeya marka noloshu soo bandhigto baahiyo cusub, maxaa yeelay, muddo marka la joogba nolosha nafteed ayaa wax weyni iska beddelayaan, taas oo u baahanaysaa dib u eegid iyo qiimayn hor leh. Marka aynu dib u eegno Caqiidadooyinka siyaasadeed ee saamaynta ku yeeshay Somalida waxay guud ahaan u kala baxaan laba qaab oo  ku kala duwan  aragtiyaha nolosha guud ahaan iyo gaar ahaan amuuraha saameeya Dagaalka iyo Nabada, dimoqoraadiyada iyo keli talisnimada iwm.

Qayb ka mid ah labada caqiido siyaasadeed dadka rumaysani waxay u taagan yihiin keli-talisnimo iyo macangagnimo siyaasadeed, sidaas darteedna isqabadka ama khilaafka (conflict) dalkood dhexdiisa iyo kuwa ayaga iyo dalalka shisheeye ka dhexyeeya waxay kula dhaqma gacan ka hadal, taas oo sida waayo-aranimadu sheegayso soo hoysa dhiig daata iyo burbur dhaca. Caqiidada siyaasadeed ee nocaas ah waxa loo yaqaan mid xag-jira sida  qaabkii Germalka Nazism iyo Fascism ee Talyaaniga, waxaana jira tusaalooyin kale oo badan oo kuwan la mid  ah ama ku dhow oo ka jira Africa iyo meelo kale oo dunida ah.

Caqiidada siyaasiga ah ee noocan oo kale ah dadka aaminsani waxay wadaagaan arrimahan soo socoda: Xagga Keli talisnimada, in dalkooda gudihiisa uu ka jiro xisbi keli ah, kaas oo ah xibul xaakimka, iyo in uu dalka ka jiro Xaakim keli ah sida madaxweyne oo marka dambe u dallaca hoggaamiye aan cid kale la tartami karin ama boqortooyo iwm. Xagga hirgelinta amarrada , waxay ku biyo shubaan in qofkii amarka ‘’hoggaamiyaha’’ hadal ka keena lagu calaamadiyo dambiile ka dibna waxuu mutaystaa dil, xadhig, iyo dhaca hantida ciddii hoggaamiyahu qoonsado. Xagga maaraynta khilaafaadka, waxa sido kale mabda’a iyo qaabka keliya ee loo raaci kara xallinta ay tahay in go’aanku kor ka yimaaddo, oo uu meesha ka baxo mabda’a dibuheshiisiinta iyo xal meel dhexe ah midkoodna aanu jirin. Marka qaabkan loo raaco xllinta khilaafaadka waxaa sii xoogaysta isqbadka oo ugu dambaysta isu beddela gacan ka hadal ballaadhan iyo dagaal sokeeye, sidii dhacday xillgii inqilaabkii military ee uu hoggamiyaha ka ahaa Mohamed Siyaad Barre. Xagga go’aan qaadashada(decision-making process), go’aanka waxaa iska leh hoggaamiyaha, sidaas darteed ciddii go’aankiisa ka hor timaaddaa waxa loo arkayaa aragti baadil  iyo xaaraan maqtac ah waxaana lagu mutaysta ciqaabta ku habboon. Sidaas darteed taladu xagga hoos ama xagga dadweynaha kama imaaan karo.

Caqiidada siyaasadeed ee noocaasa ah dadka ku dhaqma waxay aaminsan yihiin  mabd’aa ah haymanad (Hegemony) sidaas darteed, hoggaamiyuhu asaga ayaa wax walba yaqaan, oo uma baahna talada dadka,  haddi aanu ahayn kuwa aan dan iyo muraad toona ka lahayn waxa dalka ka dhacaya shar iyo khayr midnaba, kuwaas oo mar walba diyaar u ah qaadashada amar ‘’hoggaamiyaha’’ maxaa yeelay hoggaamiyuhu marna ma qaldamo, mar walbana asaga ayaa xaqa ku taagan. Sidaas darteed ma aaminsana maamul ku dhisan hay’ado oo go’aanku ka soo fulo  iyo dawlad qaanuun ku dhisan (Institutional State) ee waxay aaminsan yihiin xukun hoggaamiye keli ahi ka taliyo.

Haddaba, marka aynu ka hadlayno dhismaha Caqiido Siyaasi oo Waddani-Dimoqoradi ah, oo ummadda u ifisa marinka laga gelayo dhismaha dal nabada oo ku taagan tubbta majaraha aqoonsiga waxaa lagama maarmaan ah in dib loo jalleeco marxaladihii ay soo martay Caqiidda Siyaasadeed ee guud ahaan Somalida xagga dhaqan dhaaqaalaha iyo siyaasadda, taas oo leh waayaragti laba marxaladood oo taariikhi ah oo kala sah: Marxaladii 1940s ila 1960s, oo ku suntanayd marxalada gobanimo doonka iyo midnimada (National Liberation and unity). Marxaladan ayaa waxa taariikh siyaasadedka Africa looga yaqaan Marxalada Gobanimo doonka        Africa.

Marxalada labaad oo ah 1960s ila maantadan la joogo waxaa loo yaqaan  Marxalada Dimoqoraadiyad Doonka Africa. Magaca marxalad kasta oo ka mid ah labadan marxaladood ayaa magaca loo bixiyey waxuu u taagan yahay xilal iyo waajibaad gudashadooda waqtigoodii la joogo, taas oo ay keentay xaaladaha lagu jiro iyo dhibaatooynka la rabo in laga gudbo, sidaas darteedna in lagu habeeyo caqiidada siyaasadeed ee dal kasta ku habboon duruuftiisa u gaarka ah. Haddaba bal aynu eegno xilkii iyo waajibaadkii marxaladii hore ee 1940s ila 1960s iyo Caqiidadii gobanimo doonka iyo midnimada Somaliyeed, qaabkay u shaqaysay, faaidooynkii ay keentay iyo dhibaatadii laga dhaxlay oo ila maantadan la joogo carqalad ku ah horumarka Somaliland, iyo sidaan qabo, Somalia nafteeda dhibaatada haysta ka soo jeedaan. Waxaa qoraalka dambe ku saabsanaan doona dib qiimaynta Xilka iyo waajibaadka marxalada dimoqoraadiyad doonka iyo Caqiidadeeda Siyaadasdeed ee loo baahanyahay in mar walba oo waayoyuhu is beddelaanba dibu eegid lagu sameeyo si waqtiga markaas taagan loola jaan qaado. La soco.

adamjibril@hotmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.