Majaajilayste Ku Guulaystay In Uu Madaxweyne Trump Talefanka Kala Hadlo Isaga Oo Iska Dhigaya Xildhibaan

55
3983

Washington (Geeska)- Jillaa Maadays oo Maraykan ah ayaa ku guulaystay in uu madaxweyne Trump kala xidhiidho taleefanka gaarka ah ee diyaaradda Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo si aad ah loo ilaaliyo. Majaajileystaha oo barnaamij maadays ah oo talefishan soo saara ayaa madaxweynaha isaga dhigay xildhibaan ka tirsan golaha odayaasha Maraykanka oo ay isku magac yihiin.

Majaajilaysahan ruugcaddaaga ah ayaa khamiistii ina dhaaftay faafiyey cajalad cod ah oo uu ku duubay sheekadii dhex martay isaga iyo madaxweyne Trump markii uu talefanka kala hadlayey. Sheekadan oo saddex daqiiqo socotay ayaa sida uu ku warramay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriisku, uu majaajilayste John Melendez iska dhigayaa xildhibaan ka tirsan xisbiga dimuqraaddiga o ooo lagu magacaabo Robert Melendez, waxa aanu ku guulaystay in uu codkiisa beddelo si uu ugu ekeysiiyo xildhibaanka uu jilayey. Madaxweynaha ayaa saarnaa diyaaradda madaxtooyada ee Air Force One loo yaqaanno, isaga oo ku soo jihaysnaa caasimadda Washington, kaddib markii uu soo dhammaystay socdaal dalka gudihiisa ahaa.   Codka uu majaajilaystuhu faafiyey ayaa laga maqlayaa madaxweyne Trump oo ka hadlaya baadhis la xidhiidha musuqmaasuq oo muddo shan sano ah lagu waday xildhibaan Melendez laakiin ugu dambayntii lagu waayey, “Soo dhowoow Bob, Iska warra? Waan kuugu hambalyeynayaa guushaada, waanu kugu hanweynnahay” ayaa uu yidhi Trump. Kaddib majaajilaystaha xildhibaanka iska dhigaya ayaa madaxweyne Trump kala hadlay arrinta soo galeytiga ee dooddeedu hadda taagan tahay. Trump oo u muuqda in uu arrintaas xildhibaanka dhibsadayna waxa uu ku jawaabayaa, “Waxa aan jecelahay in aan awood u yeeshay in qadiyaddan taladeeda faraha la iiga qaado aniga, waana daw ay tahay in uu madaxweyne kastaaba helo. Waxa aan jecelahay in aynu xoogga saarno xal u helidda arrimo waaweyn oo aynaan waxa yaryar ku mashquulin”  Majaajileyste Melendez weli waa uu sii waday iska dhiggii xildhibaan Melendez, waxa aanu madaxweynaha kula taliyey in uu maxkamadda sare u soo sharraxo qof aan aad u sii ahayn muxaafad. Trump oo weli u haysta in uu xildhibaankii la hadlayo ayaa u sheegay in uu weli ku jiro daraasaynta iyo kala xulashada ‘Liis dheer oo ah murashaxiin xilkaas u taagan, muddo laba toddobaad gudahood ahna uu mid ka mid ah soo xulan doono’.

Majaajileyste Melendez oo mar dambe ka hadlay aragtidiisa ku aaddaan sida fudud ee ay ugu suurtagashay in uu u galo Khadka talefanka madaxweynaha iyo wiilka lataliyaha ah ee uu sodogga u yahay Trump, waxa uu yidhi “Waxa aan rumaysan kari la’ahay in ay saacad iyo badh keliya igu qaadato in aan Jared Kushner iyo Donald Trump kala xidhiidho talefanka diyaaradda madaxtooyada”.Robert Melendez iyo barnaamij soo saarihiisa ayaa dhacdadan ka hor la xidhiidhay Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo waxa aanay ka codsadeen in lala xidhiidhsiiyo madaxweyne Trump, laakiin codsigaas lagama aqbalin. Muddo kaddib ayaa uu Melandez mar kale dib ula soo xidhiidhay Aqalka Cad isaga oo markan codka beddelay oo ku ka hadlaya lahjadda Ingiriiska ee Afka Ingiriisiga, waxa aanu ku andacooday in uu yahay gacanyaraha xildhibaan Melandez.  Masuulkii aqalka cad u qaabilsanaa xidhiidhinta taleefannada ayaa farriinta majaajileystaha run u qaatay, waxa se dad badan la yaab ku noqotay in xidhiidhiyuhu uu maqli waayey qosolka iyo kaftanka Melandez iyo barnaamij soo saarihiisa, oo intii ay isaga la hadlayeen, si fiican sameecadda taleeefanka looga maqlayey. Cabbaar kaddib masuulkii Isku xidhka isgaadhsiinta oo gabadh ahayd ay dib ula soo hadashay Melandez oo ay moodayso sidii uu sheegtay in uu yahay gacanyaraha xildhibaanka, waxa aanay weydiisay in lambarka taleefanka xildhibaan Melandez. Waxaa iyaduna yaab kale noqotay in haweenaydan talefanka xidhiidhinaysay aanay iska hubin in lambarka ay la xidhiidhaysaa uu yahay lambarkii xildhibaanka, maadaama oo lambarrada xildhibaannada oo dhami ay ku jiraan diiwaanka kaydinta lambarrada ee Aqalka Cad. Waxa ay run moodday marmarsiinyaha uu majaajileystuhu u sheegay ee ahaa in uu fasax nasasho ah shaqada kaga maqan yahay. Sidaas ayaa ay majaajileystaha ugu suurtagashay in lagu xidho taleefanka madaxweynaha iyo wiilka lataliyaha u ah ee inantiisa qaba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here