Majaajilayste Caan Ah Oo Shalay Lagu Dilay Muqdisho

0
1023

marshaaleCabdi Jeylaani Malaaq oo ah fanaan caan ku ah majaajilada ayaa shalay  lagu dilay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Cabdi Jeylaani oo loo yaqaan Marshaale waxaa majaajiladiisa laga sii dayn jiray idaacadaha iyo telefishanada Soomaalida.

Laba nin oo aan la garanayn oo bistoolad ku hubaysan ayaa la sheegay inay marxuuumka rasaas ku fureen isaga oo joogay gurigiisa hortiisa.Marxuumka ayaa la sheegay in xilliga la dilayay uu soomanaa.

Marshaale oo ku caan ahaa majaaajillooyinka iyo ruwaayadaha maadda iyo qosolka leh ayaa wuxuu la shaqeynayay TV-ga Universal iyo Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho.

 Ma jirto cid loo qabtay dilka marxuumka.