Mahandsanid Nabi Muusoow

37
3737

W/T: Xamse Cumar Kujoog…(Qormada 2aad)

Mahadsanid  Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in dadku ay raalli ku kala noqon karaan oo keli ah, wixii marba ay ku heshiiyaan, geesiga iyo gobtuna uu yahay qofka ilaaliya wixii lagu heshiiyay. Maad kaxaysan xaaskaagii iyo qoyskaagii jeer oo aad kasoo baxday ballankii ahaa in aad Siddeed sano u shaqayso qoyskii aad kula xididday magaalada Madyan.

Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in ninka ragga ahi uu yahay ka xaaskiisa iyo ubadkiisu ku tiirsan yihiin ee u shaqeeya, ee aanu ahayn ka isagu qoyskiisa ku tiirsan! Qoyskaaga waxa aad u dooni jirtay marba wixii ay u baahan yihiin tusaale ahaan;  xaaskaaga waa tii aad ku lahayd “Halkan sii jooga, dab ayaa ii bidhaamay’e aan idiinka soo qaado qori dab ah oo aad shidataan” Daaha 10.

Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in mar marka qaar aynnu u dhaqaaqno in aynu adduunyo soo helno, beddelkeedana uu Ilaahay innoogu deeqo wax ka qiimo badan oo ah; diin iyo aakhiro. Waxa aad u dhaqaaqday in aad soo hesho dhinbiilo dab ah oo aad shidato, Ilaahayna waxa uu kuugu deeqay “Tawraad” iyo iftiin aad u shiddo ummaddaada, si’ay adduun iyo aakhiraba u badbaadaan.

Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in si kasta oo dadku u dhib bataan oo ay u dhago adkaadaan, in aanay marnaba u bannaynayn, cudur daar iyo sababna aanay u noqonayn qofka dadka diinta ugu yeedhayaa inuu noqdo mid adag oo aan u dhibrin ummadda! Fircoon oo ahaa dhagar qabihii sheegtay; “ Ilaahnimo ”ayaa Rabbi ku amray in aad u dhibriso oo aad ula hadasho si “debecsan”.

Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in geesigu yahay qofka qira waxa lagaga wanaagsan yahay! Waxa aad qirtay in walaalkaa Haaruun (CS) uu kaa Aftahansanaa oo “hadalka iyo gaadhsiinta” uu kaaga fiicanaa.

Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in walaalku uu yahay garabka iyo tiirka ugu dhow ee qofka ku caawin kara inuu gaadho himiladiisa. Adiga oo taas ka dhinbiil qaadanaya, waxa aad walaalkaa Haaruun Ilaahay u waydiisay inuu kula hawl geliyo oo uu kugu xoojiyo. Adduunkanna masoo marin walaal kaa qiimo badan oo walaalkii gallad ku leh, waayo, waxa aad sabab u noqotay in walaalkaa gaadho meel la gaadho halkii u sarraysay oo ah “Nabinnimo”!

Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in geesiga caqliga badani uu markasta yahay ka doorta goorta uu dagaal galayo, si’ uu usoo gabagabeeyo dhibta ummad haysata. Waxa aad dooratay in aad maalin Iid ah oo ummadda oo dhami isu soo baxday aad Fircoon iyo sixiroolayaashiisii dadka hortooda xaqiiqdooda ku muujiso  oo aad ka guulaysato. Sidoo kale aad muujiso;  in waxa ay wadaan uu yahay xaqdarro! Haddii aad qol madaw  kula tartami lahayd, ma ay dhacdeen in;  sixiroolayaasha iyo ummadda xaqa Fircoon ka hor joogay ay fahmaan dhabnimada xaqa Alle kuu igmaday ee aad la timid!

Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in aanan marna quusan, sidoo kalana cidna aanan kala quusan isku deyga, si’ uu xaqqa u fahmo. Sixiroolayaashii laga soo uruuriyay gobollada badan si’ay kuu jabiyaan, waxa maalintaas gabbal  u dhacay iyaga oo ku rumeeyey oo fahmay ; in “aad wax xaq ah oo xaqii Rabbi ah aad keentay”.

Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in awoodda Ilaahay leeyahay uu geliyo “Walxaha” marka uu doono. Ushii aad ku tukubi jirtay ee aad adhiga ku celin jirtay ayaa Ilaahay u beddelay “Mas” wayn oo cunaya “sixirkii sixiroolayaasha”, mar kalana waxa Ilaahay awood u siiyay; in ay badda kala jeexday!

Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in Ilaahay dagaal kasta  u dooro hubka ku habboon! Maalintii Fircoon “ajashiisu” dhammaatay ma cid baa filanaysay in Allaha, “ Malaa’igta awoodda lihi ”ka amar qaadato, u doori doono dhimashada Fircoon, mid ka mid ah ciidamadiisa oo ah; “Badda”?!

Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in aanan badin filashada aan ka qabo dadka, sababta oo ah dadku waa kuwo markasta is bed-beddela.  Dadkii aad iyaga awgood dadaalka badan u gashay, Fircoon iyo dhibkiisii ka badbaadisay muddo kaddib waa kuwii dibiga caabuday!

Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in qofka Ilaahay rumeeyey aanu u cadhoon wax isaga lagu sameeyey balse kolka Ilaahay iyo diintiisa wax loo gaysto uu cadhoodo. Markii Ilaahay kalinimadiisa ay beeniyeen reer “banii-Israa’iil ” waad cadhootay, looxyadii “Tawraad”-di ku qornaydna tuurtay, walaalkaa Haaruunna (CS) aad gadhka iyo timaha jiidday!

Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in dadka qaar haddii aad si kasta ugu hagar baxdo haddana aanay marnaba raalli kaa noqonayn! Dadkii aad iyaga awgood u dedaashay ee aad dhibta badan u martay waxa ay kuugu abaal celiyeen in ay ku yidhaahdaan; “Waa nala dhibay ka hor intii aanad noo iman, waana nala dhibay kaddib intii aad noo timi”!

Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay;  in Ilaahay keli-taliyayaasha uu seeto dheereeyo, se aanu marna illaawin! Fircoon maalintii uu ciidamada usoo kaxaystay in adiga iyo intii kula socotay uu soo qabqabto, waa tii Ilaahay xadhkaha u jaray, isaga oo Fircoon filanaya inuu si fudud kaaga guulaysan karo!

Mahadsanid Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay dadka qaarkood; in dhaqan xumadoodu marna aanay dhammaan, si kasta oo aad abaal iyo wanaag ugu gasho! Dadkii aad addoonsiga iyo dullaysiga hiilka uga noqotay ee aad ka dulqaadday, waa kuwii markii aad ugu baaqday; in ay “Ilaahay dartii” Jihaad u galaan, kuugu war-celiyay; “Orod oo adiga iyo Rabbigaa dagaal gala, halkan ayaannu sii fadhiyaynaaye”!

 

W/Q: Qoraa Adham Sharqaawi

W/T: Xamse Cumar Kujoog

Hkujoog@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here