Magta Gabadhu Waa Masalo Ijmaac Lagu Yahay

0
1516

Picture1Mahad Alle SWT ka dib hadi aynu si kooban uga hadalno masaladan waayadan buuqa dhalisay, sida la la isku wafaqsan yahay ma jirto aayad Qur’aan ah oo si cad uga hadashay ama kala xadaysay magta raga iyo dumarka, mana jiro xadith saxiix ah oo isna kala saaraya, hadaba marka xujo gal laga hadlayo dhamaan culimada Islaamku waxay isku wafaqsan yihiin in ijmaaca iyo qiyaasku xujo gal inu noqdo, marka laga hadlayo masaladan waxay so hos galaysa ijmaca culimada oo idilkood isku wafaqsan magta gabadhu tahay kala badh taga ninka, Imaam Shaafici AHN waxa laga haya mar u ka hadlayey arintan inu kitaabkisa al um la idha inu ku idhi “ma ogi khilaaf masaladan ka sugan culimada hore iyo dambeba”. Mufasirki Qurdubi AHN isna waxa laga haya inu yidhi “culimadu waxay isku wafaqsan yihiin in magta gabadhu tahay magta ninka badhkeed”.

Hadaba afarta mad-habood iyo culimada islaamka idilkood waxay isku waafaqsan yihiin in magta gabadhu tahay konton halaad geel ah taaso ha magta ninka badhkeed, culimada arintan ka hadashay waxa ka mid ah ee sida u sugtay shekhul Islaam Ibnu taymiya, ibnu qudama,ibnu xazmi, ibnu mundir, ibnu cabdi bar iyo culimo fara badan, xata waxa sugan in culimada shiicadu tan qabaan, iska da ehlu sunaha ee inta ka baxsani sidan ayay qabaan.

Se waxa jira dad kooban oo masaladan ka hadlay kagana hadlay si baal marsan sida ijmaaca ah, oo yidhi waa isku mid magta raga iyo dumarku, waxana ka mid ah Imaamka weyn ee Calaama Yusuuf Mustafa Qaradaawi Alle SWT ha xifdiye, waxa u kaga hadlay Imaamkani khudbad jimce 6/11/1998 wuxuna yidhi “ma jirto aayad si cad uga hadlaysa iyo xadith sugan oo masaladan ka hadlaya, se afarta mad-habood waxay qabaan in magta gabadhu tahay ta ninka badhkeed, laakin ma kenin nas cad oo xujo gal ah, se waxa xoog badan masalada ay qabaan labadan sheekh ee alsmu iyo ibnu culiya, makra dhib ma leh inaynu badalno ta ay qaban afarta mad-habood oo aynu fatwoono inaynu nidhaa magta dumarku waa ta raga oo kale”.

Waxa kalo oo isna Imaamkan la qaba Imaam Qazaali AHN sidu Imaam Qaradaawi so guriyey wuxu yidhi Qazaali “magta gabadhu waa sida magta raga, daliil cadna loma hayo kala badnaantoda”.

Sidaynu xusnay waxa ijmaac ah in magta gabadhu tahay ta ninka badhkeed, masaladana afartan wadaadunba qaba, waxana lo abtiriya labadan wadaad ee Imaam Qaradaawi cuskaday oo Imaam Dahabi AHN u kitaabkisa siirada uu ku leyahay xaashida (402/9) “abu bakar asmu waa muctasilo”. Sido kale Imaamku isla kitaabkisa siirada xaashida (113/9) wuxu ku yidhi “ibrahim ismaacil oo lagu nanayso ibnu culayah waa jahmi”.

Gun iyo gunanad waxaan kuso koobi lahaa in sida cad lo garto masaladan oo shakigu meesha ka baxo, cida ijmaca ka hor imanaysana isagiyo ayaanki. Culimada gaftay ee masaladan ku gafayna waynu u cudur daarayna waayo imaamka ijtahadaya intu ku saxsan yahay waa ku raacayna khaladkisana waa ugu cudur darayna, dambigay galena Alle SWT haka dhaafo inta nool xaqa ha garansiiyo.