Magacyada Qaar Ka Mid Ah Wasiirada La Filayo In Uu Madaxweyne Biixi Ku Dhawaaqo Iyo Prof. Samatar Oo Ka Cudurdaartay Wasaaaradii Lagu Waday

44
3495

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, oo shalay xilka qaranka loo dhaariyay ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda soo dhiso golihiisa wasiirada ee bedeli doona xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa u muuqda inuu adkeeyay xogaha dibadda uga soo baxaya ee ku saabsan golihiisa cusub ee wasiirada iyo shakhsiyaadka la filayo inuu u xusho golaha wasiirada. Laakiin haddana warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa tilmaamaya in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay ka koobnaan doonto 22 wasiir iyo dhawr wasiir-xigeen, kuwaas oo uu u qaybin doono beelaha Somaliland.

Sida ay xogaha uu Geeska Afrika helay tilmaamayaan shakhsiyaadka la filayo inay ka dhex muuqdaan xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi, inkastoo aanay weli rasmi ahayn haddana waxa ka mid ah.

  1. Dr. Sacad Cali Shire oo noqon doona wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah
  2. Cabdikariin Yaasiin Sheekh Dalmar; oo noqon doona wasiirka maaliyadda
  3. Dr. Garaad Cige, oo noqon doona Wasiirka caafimaadka
  4. Md. Maxamed Kaahin Axmed, oo noqon doona wasiirka arrimaha gudaha
  5. Md. Xasan Gaafaadhi oo noqon doona wasiirka xanaanada xoolaha
  6. Md. Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), (Lama xaqiijin weli wasaaradda loo dhiibayo)
  7. Dr. Cismaan Sheekh Axmed, oo noqon doona wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga
  8. Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo noqon doona wasiirka diinta iyo awqaafta
  9. Md. Yaasiin Maxamuud Faratoon, wasiirka oo noqon doona waxbarashada iyo tacliinta sare
  10. Md. Jaamac Maxamuud Cigaal (Weli lama xaqiijin wasaaradiisa)
  11. Saleban Yuusuf Cali koore (Weli lama xaqiijin wasaaradda loo dhiibayo)
  12. Cabdillaahi Abokor Cismaan (Weli, lama xaqiijin wasaaradda loo magacaabayo)
  13. Shugri Xaaji Baandare (Weli, lama xaqiijin wasaaradda loo magacaabayo)

Prof Samatar

Warar kale oo uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in Professor Axmed Ismaaciil Samatar uu ka cudur daartay inuu noqdo wasiirka qorshaynta ee xukukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo cudur-daarka Samatar ku saabsani haddana wararku waxay sheegayaan in macalinkan jaamacadeed u qawaday xilka wasiirka qorshaynta isagoo hore u filayay inuu noqdo wasiirka arrimaha dibadda balse uu Madaxweyne Muuse Biixi go’aansaday inuu xilkaas dib ugu magacaabo Wasiir Sacad Cali Shire.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here