Guddoomiye Baashe Oo U Sacabo Tumay In Wakiiladu Ansixiyaan Wada Hadalada Khaatumo Iyo Xildhibaan Saleban Cali Koore Oo Cambaareeyay

0
543

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo, oo shalay Golaha Wakiiladu ansixiyey, waxaanu sheegay inuu soo dhaweeynayo, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in cid walba oo wax tabanaysa lala hadlo, oo la qanciyo. Hase yeeshee waxa xildhibaan Baashe Cambaareeyay xildhibaan Saleban Yuusuf Cali Koore.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay sicir bararka, waxaanu sheegay in Golahu ka doodi doonaan maanta, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo “Goluhu maanta (shalay), cod buu ku ansixiyey kuna meel mariyey wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo, in la wada hadlo, oo la is qanciyo, oo wixii khilaaf ah ee jira in la dhammeeyo, wixii colaad ah ee jirtana in meesha laga saaro waa muhiim, aynu wada hadalnana waa aynu heshiino, khayr, nasteexo iyo wanaag baana ku jira in la wada hadalo, oo dhinaca wanaagsan wax laga eego”.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada mar uu ka hadlay sicir bararka dalka ka taagan ayaa yidhi “Waa dhab in sicir barar dalka ka taagan yahay iyadoo abaari jirto, balse arintaas sicir bararka Golahu bari (maanta), ayuu ka doodi doonaa, waxaana rajaynayaa in sicir bararka xal loo helo”.

Hase yeeshee xildhibaan Saleban Cali Koore oo isna saxaafadda la hadlay ayaa cambaareeyay talaabadan oo uu ku eedeeyay guddoomiye-xigeenka golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, waxaanu yidhi “Guud ahaan Xildhibaano badani meesha may fadhiyin, waana Baashe oo inta Cirro maqan yahay iyo Shirguddoonku ayuu ka faa’iidaysanayey,Rag uu soo xushay ayuu saaka [shalay] hoos uga sheegay, ma waxa la taageerayaa, nin yidhi Xukuumad baan ahay Somaliland joogta, waana arintii yarayd ee Shirka halkaas iskugu tageen, iyagoo qoys ah, wax anaga na khuseeya iyo Laascanood iyo Deeganaada  Gobolka Sool, khuseeya midna maaha, Xukuumaddu haddii heshiis la galayso, wakhtiga uu heshiisku dhammaado, bay Xukuumaddu caddeyn doontaa in heshiis dhacay, laakiin hadda Gole taageerayna ma jiro, nin leh waxaan ahay Dawlad Khaatumo la yidhaahdo, ninka Golaha keenay waa dambiile, waa dambiile Qaran, Dastuurka dalka ayey ka soo hor jeeda, waa dadka ay Somaliland-nimadu ka dhaadhacsanayn, qalbigiisa iyo calooshiisa,sababtoo ah dalku Dastuur buu leeyahay, nin leh Madaxweyne ayaan ahay Wasiiro ayaan leeyahay, Xukuumad baan ahay, dalka guddihiisa ku jira, oo dalka guddihiisa fadhiya, ha la taageero oo ha la aqoonsado maamulka Khaatumo, Golow aqoonso waa caadifad, reernimo oo yar, iyo baqdin fara badan oo ka qabaan deegaanka, marka anigu waxaan u arkaa arin aad u khaldan oo uu Golaha keenay, waanu naas-naasinaya ee Sharciga ayaa umadda Somaliland uga jawaabi doona”.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore mar wax laga weydiinay sababta uu u diidan yahay madaama ay Xildhibaanadu u coddeeyeen wuxuu yidhi “Waxaan ku diidan nahay Dastuurkii iyo Sharcigii dalka ayuu meel kaga dhacay, waana in lagu soo eedayaa qaran dumisnimo, nin leh Madaxweyne ayaan ahay, Xukuumad baan ahay iyo Dawlad gaar ah ayaan ahay, oo dalka ku dhex jira ha la taageero, oo ha la aqoonsado”.