Magacyada Guddiga Uu Muuse Biixi U Magacaabay Qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga Muxaafidka Ee KULMIYE

0
572

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xisbiga KULMIYE, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan baahiyo guddiga qaban qaabada shirweynaha xisbiga oo ka kooban 19 xubnood, kuwaas oo ka shaqayn doona shirweynaha xisbiga iyo ajandihiisa. Shirweynaha ayaa qabsoomi doona dabayaaqadda bisha December ee soo socota.

Guddigan qaban qaabad oo uu magacaabay guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, weli si rasmi ah looma baahin, waxaana lala sugayaa guddiga fulinta ee xisbiga oo la filayo inay isu yimaadaan Axadan maanta iyo Salaasada saadambe. Waxaanay naaqishi doonaan xubnaha uu guddoomiye Muuse Biixi magcaabay. Warar xalay soo baxay ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo dhinaciisa aqbalay magacyada guddiga uu Muuse Biixi magacaabay, ka dib markii xalay la isku arkay shir ka dhacay qasriga madaxtooyada. Magacyada qaar ka mid ah guddiga qaban qaabada oo uu Geeska Afrika helay, waxa ka mid ah:

Xildhibaan Ibrahim  Axmed Haybe

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Dr. Cumar Cilmi Dixood

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin

Xildhibaan Saleban Bukhaari

Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Giire)

Abubakar Xaamud Jibriil

Faarax Xadhigle

Xasan Gaafaadhi

Xildhibaan Maxamed Jaamac

Mustafe Faarax Dhoore

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa

Axmed Xuseen Ooame

Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye

Guddiga fulinta ayaa la filayaa inay ansixiyaan xubnaha uu Muuse Biixi u magacaabay guddiga qaban qaabad shirweynaha. Laakiin shirweynaha xisbiga ayaa la saadaalinayaa inuu xisbiga ka dhex abuuro kala qaybsanaan iyo tafaraaruq, maadaama oo uu loolan adagi ka dhex jiro gudaha xisbiga.