Magacyada Budhcad Badeeda Somaliland Lagu Wareejiyay

0
993

Nairobi, (Geeska/Somalia Report)-Liiska magacyada iyo da’da 17-kii budhcad badeed ee dhowaan dalka Seychelles u soo wareejisay jeelasha Somaliland ayuu si gaar ah uga helay wargeyska Geeska Afrika shirkada Halliday Finch oo fududeysay soo wareejintooda.

Budhcad badeedan oo Somaliland lagu keenay sidu dhigayey heshiiskii madaxweynayaasha Somaliland iyo Seychelles ku saxeexeen London bishii labaad, ayaa magacyadooda uu Geeska Afrika helay waxay kala yihiin sidan:

Magac                                   Da’

1.                   Ali Osman Adow               Dhashay                               1989

2.                   Ali Ahmed Abdikadir                                          84

3.                   Ali Hassan Abdifatah                                          91

4.                   Mohamed Adan Nur                                         89

5.                   Ali Osman Ahmed                                                               89

6.                   Ahmed Dahir Mohamed                                                  87

7.                   Yusuf Hirsi Abdilahi                                             91

8.                   Isse Karshe Ares                                                                  82

Raacii Dambe

1.                   Khalid Warsame Axmed                                                   94

2.                   Axmed Abukar                                                     84

3.                   Said Egal Abdilahi                                                                51

4.                   Ahmed Abidoon Mowlid                                                 80

5.                   Abdi Ali Abdikadir                                                               91

6.                   Ibrahim Qorgab Ahmed                                                   95

7.                   Mohamed Mohamoud                                     88

8.                   Haji Aden Abdinur                                                              83

9.                   Ahmed Isse Mohamed                                     87                       

Geesta kale,  dhexdhexaadiye budhcad badeed oo la wareystay ayaa cadeeyey in shabaab cashuur ka qaado maraakiibta iyo budhcad badeedka ay soo qabsadaan.

Wakaalada Somali Report oo wareysi la yeelatay budhcad badeed sare oo isu-bedelay dilaal, Cabdiqaadir Maxamed Afweyne ayuu kaga hadlay dareenkiisa go’aanka beesha caalamku ku gaadhay inay kula dagaalamaan budhcad badeedka dhulka, isla markaana cadeeyey in xalku ku jiro wadahadal.

Cabdiqaadir oo aabihii ka mid ahaa nimankii bilaabay hawlaha budhcad badeedka xeebaha Soomaaliya ayaa ku hanjabay hadaan laga noqon go’aanka EU NAVFOR, taasi sii murgin doonto mushkilada budhcad badeedka.

Su’aalahii Somaliareport weydiisay iyo jawaabahii uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:

S: Budhcad badeedku waxay ku weeraraan maraakiibta masaafo aan u dhoweyn xeebaha Soomaalida, taasi ma ka ilaalin kaluumaysiga tuugada loo gurtaa?

J: Waxa jira kooxo kala duwan oo budhcad badeed ah. Waxa jira ilaa 150 budhcad badeed ka shaqeysta aagaga u dhexeeya Ceel-janaale, Hobyo iyo Xarar-dheerer. Dhowaan waxaan go’aansanay inaan yareyno weerarida maraakiibta jooshaya meelo ka baxsan xeebaha Soomaalida. Ka hor intaanan budhcad badeedka noqon waxaan ka ahayn kaluumaysato Xarar-dheere iyo Hobyo. Markii laashashkii maraakiibtu naga burburiyeen xalkii waxuu noqday inaan budhcad badeed noqono. Si aan hawlgaladayada uga badbaadino maraakiibta ganacsiga, waa inaan u madax-banaana hawlaha kaluumaysiga badahayaga, isla markaana aanay noo caga-juglayn maraakiibta la dagaalanka budhcad badeedku. Waxaan qabaa in budhcad badeednimada lagu xalin karo wada hadal. 

S: Ma filaysaa inaad wada xaajood yeelan kartaan saraakiisha midowga Yurub e ela dagaalanka budhcad badeedka, si aad u joojisaan budhcad-badeednimada gobolka?

J: Haa, dhabtii. Waan jecelahay taa, inkastoo ay jiraan dad fikradaa ka soo horjeeda. Dadkaasi waa odeyaal qabiil iyo kooxo qurba-joog ah, oo aan doonayn inay ka hadlaan eelka mushkiladan, waxaan joogaa Mudug oo ah kalka budhcad badeedka ugu badan degan yihiin. Waxaan qabaa inaan fududeyn karo sidii hawlaha budhcad badeednimada loo joojin lahaa, hadii aduunku taa doonayo. Hadii la diidana weligeen ma joojin doono weerarka maraakiibta gobolka.  

S: Imisa markab iyo shaqaale aya alagu haystaa deegaanka aad ka hawlgasho, sidaad ula dhaqantaa la-haystayaasha?

J: Waxa jooga ugu yaraan afar markab iyo 60 shaqaale deegaanka Xarar-dheere, wada hadalo aya au socda. Si wacan ayaan ula dhaqanaa. Waxa kaloo jira maraakiib lagu haysto Garacad, waxaan ka hawlgalaa Hobyo, Ceel-janaale iyo Xarar-dheere. 

S: Miyaad wax war  ah u haysaa saxafi Marakyan ah (Michael Scott Moore) oo budhcad badeed Gaalkacayo ka afduubeen?

S: Haa. Nimankaasi waxay haystaan saxafigaa ay ka kaxaysteen Gaalkacayo. Waxa haysta niman jilibka Sacad ee hawiye ah, waxay ku haystaan miyiga Hobyo, waanay bedelaan meesha ay ku haystaan. Waxaan kula talinay inay si fiican ula dhaqmaan, caafimaadkiisu wuu fiican yahay wada hadal ayaana u socda.

S: Imisa maalmood ayey wada hadaladaasi sii socon doonaan malahaaga?

J: Ma sheegi karo, waxa jira shirkado amaanka oo ajaanib ah oo wada hadaladaa ku jira. Ciidamada Maraykanku waa inaanay isku deyin inay xoog ku soo furtaan, hadii kale budhcad badeedku way dilayaan. Waxaan sidaa u leeyahay hore Maraykanku waxay u soo furteen laba shaqaale hay’ada DDG, ciidamadaasina waxay ku dileen weerar habeenimo sagaal saaxiibo aanu ahayn. 

S: Waa noocma xidhiidh idiin dhexeeya Shabaab?

J: Way adag tahay inaan tafaasiil dheeraad ah kaa siiyo jawaabta su’aashan, maxaa yeelayu waa mid halis ah, laakiin waxaan kaaga sheegi karaa xidhiidh noo dhexeeya Shabaab waa mid  ku saabsan dhaqaale. Waxay ka helaan cashuur maraakiibta iyo shaqaalaha aanu soo afduubno. Waxaanan sidaa samaynaa markaan hawlgalo ka samayno deegaamada ay maamulaan.

S: Saaxiibadaa qaarkood eedo budhcad badeednimo ayaa loo haystaa, waxaana lagu maxkamadeeyey meelo ka baxsan wadanka, sidaad u aragtaa taa?

J: Taasi waa wax xun, waxaanay tusaale u tahay xadgudubyada nalagu samaynayo. Waa laga hortegi lahaa hadii dawlad awood leh Soomaaliya ka dhisan tahay.

Xaaladii deegaanadii ay dagaaladu ka dhaceen oo degen iyo maxaabiistii ooBurco la keenay

Hargeysa(Geeska)-Xaaladda deegaanadii ay dagaaladu ka dhaceen Axadii ee gobalada Sool iyo Buhodle, ayaa degen, waxase la dareemayaa colaadda oo isu foodhyaysa.

Deegaanadaas oo kala ah duleedka magaalada Lascanod iyo weliba deegaanada ku teedsan magaalada Buhodle, ayaa inkastoo uu dagaal culusi ka dhacay Axadii ka dib markii ay maleeshiyaadka nabad diidka ahi soo weerareen ciidamada qaranka, haddana waxa ay xaaladu u muuqataa mid muuqaal colaadeed mooyee aanu dagaal jirin. Maxaabiistii laga soo qabtay kooxahaas maleeshiyaadka ah ayaa la keenay magaalada Burco ee xarunta gobalka togdheer, halka kuwo dhaawacna ahna lagu dabiibayo cisbitaalka guud ee magaalada Burco.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay qabteen 45 maxbuus oo ay ku jiraan saraakiishii dagaalka hoggaaminaysay iyo nin sheegtay inuu yahay wasiir ka tirsan kooxda Khatumo oo dagaaladan ka dambaysa.