Magacyada Afar Wasiir oo uu Madaxweyen Siilaanyo U Magacaabay Xoojinta Xidhiidhka Itoobiya

0
652

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa afar wasiir u magacaabay wanaajinta iyo xoojina xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in madaxweyne Axmed Siilaanyo xoojinta cilaaqaadka Somaliland iyo Itoobiya u saaray gudi afar wasiir ah.

Waxa uu wasiirku ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Qaramada Midoobay iyo sida oo kale socdaalkii madaxweyne Axmed Siilaanyo ee maamul goboleedka Puntland uu ka xanaaqay. Waxaanu sidan wasiirku ku sheegay waraysi uu la yeeshay wariye Xamse Cali Bulbul oo ka mid ah saxafiyiinta tilifishanka Qaranka.

Ugu horayntii wasiir Maxamed Biixi oo ka hadlaaya socdaalkii madaxweynaha iyo dhaqdhaqaaqyada Puntland waxa uu yidhi“Safarkii madaxwaynaha Somaliland waxa uu ahaa safar aad u wanaagsan oo loogu kuur galayey xaaladaha shacabka kala duwan ee ay ku sugan yihiin waxaana halkaas nooga muuqatay nabada Somaliland ka tis qaaday safarkaasina waxa uu soo jiitay indhaha caalamka.Puntland waa gobal ka mid ah Somaliya dabcana jaar ayaynu nahay, laakiin Puntland iyaduna waa ay ogsoontahay caalamkuna waa uu ogsoon yahay halka xuduudoodu ku qeexan tahay, xaqna uma laha inay ka hadlaan markaanu tagno magaalooyinkayaga, waanuna tagaynaa, Somalilandna ogalaan mayso in xuduudaheeda laga soo talaabo gardarana lagu sameeyo, anagu nabada ayaanu jeclnahay, laakiin Puntland iyo dawlada Somaliyaba waa ay ogyihiin xuduudeenu halka ay tahay. Madaxweynahani (Cabdiwali Gaas) waxa uu ololaha ku galay dhib iyo dagaal iyo dhulbaan soo dhicinayaa, anaguna dhulkayagii ayaanu tagnay.”

Wasiirka arimaha dibada oo wax laga waydiiyay xidhiidhka Somaliland iyo Qaramada Midoobay waxa uu yidhi“Ergayga qaabilsan Somaliya Nicholas Kay markii uu Hargeysa yimi waxa dhacday dhibaato yar. Hasayeeshee cilaaqaad fiican ayaanu la leenahay isaga iyo UN-ka guud ahaanba uma arkaan inaanu asxaab [xisbiyo] cunaqabataynayno, cilaaqaad xun oo aanu la leenahay a jirto, Somaliland waa dal dimuqraadi ah, waa dal sida aad la socoto warbaahintiisu xor tahay, dadkuna dareenkooda cabiraan.”

 Ugu danbayntii wasiir Biixi oo ka hadlaaya xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya waxa uu yidhi“Madaxwaynahu waxa uu u magacaabay afar wasiir oo aan anigu guddoomiye  u ahay, oo ay ka mid yihiin wasiirka qorshaynta,wasiirka ganacsiga, wasiirka daakhiliga iyo aniga si aanu wada hadal ula soo samayno, inaanu xidhiidhka aad iyo aad u sii xoojino ayaanu doonaynaa,cilaaqaadka Somaliland iyo Itoobiyana aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay.”