Magacyada 22 madax-dhaqameed Been Abuur ah Oo iyagoo Metelaya Somaliland xulaya Baarlamaanka Somaliya

0
573

Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu toddobaadkii hore qorayay xogo uu helay oo sheegayay in dawladda Somaliya magaalooyinka Somaliland ka daabulayso dad reer Somaliland ah oo ay ku sheegayso inay yihiin madax-dhaqameed, balse ah rag been abuur ah oo loo sameeyay darajooyin dhaqan oo aan jirin si ay u xulaan dad reer Somaliland ah oo doonaya inay ka mid noqdaan Baarlamaanka Somaliya.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo Geeska Afrika u waramay, ayaa madaxweynaha Somaliya uga digay inuu bililiqo ku sameeyo madaxda dhaqanka Somaliland islamarkaana uu sameeyo madax-dhaqameed aan jirin si uu ugu xalaalaysto danihiisa siyaasadeed oo ay ugu ansixiyaan dadka uu doonayo inay ka mid noqdaan Baarlamaanka cusub ee Somaliya si ay codka u siiyaan marka loo tartamayo jagada madaxweynaha Somaliya.

Wuxuu kaloo Suldaan Maxamed ugu baaqay hay’adaha ammaanka Somaliland inay indho gaar ah ku eegaan dadkaas oo ay talaabo ka qaadaan.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa 22 magac oo ka mid ah raggaas uu Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka urursaday magaalooyinka Somaliland, inkastoo ay qaarkood horeba u sii joogeen magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Liiskan oo aanay ku dhammayn beelaha Somaliland, wax ka maqan beelaha Harti, waxase ku dhan beelaha kale ee Somaliland, waana siyaasadda kala furfurka ee dawladda Somaliya ay ku hayso bulshada reer Somaliland.

 Akhri magacyada iyo beelaha  ragga madax dhaqameedka sheeganaya ee tagaya magaalada Muqdisho.

ddddddddddddd