“Madaxweynuhu Wuxuu Masuul Ka ka Yahay Ilaalinta & Dhismaha Diinta & Dhiirigalinta Dhalinta Quraanka baratay” Wasiirka Madaxtooyada

0
672

Hargeysa(Geeska)Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sharaxaad ka bixiyey ujeeda uu Madaxweyne Siilaanyo u hirgaliyey barnaamijka tartanka quraanka kariimka ah. 

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sheegay in madaxweynaha qaranka uu xil ka saaran tahay ilaalinta iyo dhismaha diinta islaamka, waxaanu xusay in iyada oo taas laga duulayo ay xukuumaddu hir galisay mashriic waaweyn oo diinta lagu maamuusayo. 

Wasiir maxamuud Xaashi Cabdi ayaa arrimahan kaga hadlay, khudbad uu khamiistii ka jeediyey munaasibad jaa’isado madaxweynuhu ku gudoonsiiyey guulaystataashii tartanka quraanka ee Madaxweynaha loogu magacday, munaasibadaas oo ka dhacday qasriga Madaxtooyada waxaanu Wasiirku yidhi “ Farxad weyn ayeynoo tahay galabta in aad nagu soo booqataan qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, halkani waa qasrigii looga talinayey qarankan ee madaxweynihii ummadda uu xafiiskiisu ahaa, waxa lagu qaabilaa dadka inta xurmada iyo xishmada mudan, dadka inta milgaha iyo maamuuska leh ayaa lagu qaabilaa, maadaama ay halkan taalo maamuuskii ummaddan oo dhami oo Madaxweynihii qaranku joogo. Laguma qaabilo cid aan aamuus lahayn, dawladdaha dhigeena ah martida iyo madaxda ka socoto ayaa lagu qaabilaa, waxa lagu qaabilaa madaxda hay’adaha caalamiga ah, waxa lagu qaabilaa madaxda kala duwan ee ummaddani leedahay haday tahay madax dhaqameed, iyo madax siyaadadeed. Waxa lagu qaabilaa dadka ehlu quraanka ah, dad fara badan oo dhalinyaro ah baa jira oo qarankani leeyahay, oo da’diina oo kale ah fursadan ma helaan, waayo dadka halkan yimaadaa waa dad waaweyn oo masuuliyad xambaarsan, laakiin idinka oo yaryar oo da’daas ah waxaa ku timaadaan madashan iyadoo culimadii dalkuna idin horkacayo waxa weeye qiimaha qur’aanka.” 

Wasiirka oo ka hadlaya xilka Madaxweynaha ka saaran iaalinta diinta ayaa yidhi“ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waa masuulka u sareeya dalka, wuxuu masuul ka yahay adkaynta iyo sugida nabaddgalyada dalka, wuxuu masuul ka yahay dhimaha wadooyinka, madaarada, dekedaha, wuxuu masuul ka yahay horumarinta aqoonta, wuxuu masuul ummadda ugu yahay oo qorshe u dhigaa sidii qaran u horumarin lahaa, ganacsigiisa, dhaqaalahiisa iyo miisaaniyadiisa intuba sidii ay u kobci lahaayeen. Sidoo kale wuxuu masuul ka yahay ilaalinta iyo dhismaha diinta, dhiirigalinta da’ yarta quraanka baratay ayuu masuul ka yahay madaxweynuhu, isaga oo xilkaa gudanaya ayuu sameeeyey qorshahan, inuu tartankan bilaabo, inuu idaacad quraanka Kariimka u gaar ah sameeyo, inuu masaajido dhiso iyo barnaamijyo kale, waxaas oo dhan xikmadaas ayaa looga gol leeyahay.”

Geesta kalena Wasiir Xaashi ayaa hambalyey ardaydaasi sidoo kalena dardaan u jeediyey waxaanu yidhi “ Intaa ka dib waxaan ugu horayn hambalyeynayaa dhamaan dhalinyaradii ka timid gobollada ee tartankii quraanka kariimka ka qayb gashay, Sideed iyo tobankii arday ee ka kala yimid gobollada dalka waanu hambalyeynaynaa waayo waxa ay ahayaayeen dad la soo xulay oo gobol walba laga soo xulay, si gaar ah waxaannu u bogaadinaynaa ardaydii kaalmaha sare galay ee halkan Madaxweynuhu uu jaa’isadaha ku siin doono, si gaar ah ayaanu u bogaadinaynaa, waxaannu bogaadinaynaa waalidkii ku tabcay ee suugo galiyey guushaa, ee ku hagay dhabahaa iyo dariiqaa, sidoo kale waxaannu hambalyeynaynaa guddigii culimada ahayd ee qaaday imtixaanka tartanka quraanka kariimka ah iyo culimadii hawshaa isku dubariday, oo Sheekh Maxamed Aadan ugu horeeyo, dhamaantoodba ILAAHAY khayr ha siiyo.”

“ Dhalinyaradaas guulaysatay waxaannu ku dardaaraynaa inay halkaas ka sii wadaan gacan ku haynta quraanka iyo barashada diinta, cilmigu waa bilow, cilmigu ma dhamaado, waxaannu leenahay kuwa kalena maalin maalmaha ka mid ah ayaa guulaysan doontaan hadii Alle ka dhigo, waxaannu idiin jaraynaynaa guulo kale, dhamaantiin waxaannu idin dardaaraynaa inaad diinta ilaalisaan oo ku dhaqantaan, inaa intayada kalena nooga faa’iidaysaan.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa dhalinyaradaasi xufaada ah kala dardaarmay afkaarta mayal adayga iyo xagjirnimada waxaanu yidhi “ Sidoo kale waxaannu iyana hoosta ka xariiqaynaa inaydaan qaadan afkaaraha xagjirka ah ee sida khaldan diinta loo turjumo, maanta dad badan oo inagga mid ah oo inala mid ah ayaa si khaldan diinta u tujumaya oo dhibaato badan ku haya’a bulshada muslimiinta ah, waxaannu idinka rajnaynaynaa, oo aannu idinku waaninaynaa inaydaan dariiqaas marin, ee aad martaan daqiiq culimada gacanta idinku haysaa ay idiin sharxayaan.”