“Madaxweynuhu Wuu Ka Warqabaa Hawsha Somaliland Investment Company”

0
3530

Dr Sacad Cali Shire

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire, ayaa mar kale difaacay shirkadda maalgashiga ee Somaliland Investment company oo dood xaasaasi ah oo siyaasadeed dalka ka abuurtay.
Wasiir Sacad Cali Shire oo la hadlay Geeska Afrika, wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi uu ka war qabo shirkadan oo uu ku dooday inay hawsheedu muddo socotay, waxaanu Wasiir Sacad soo jeediyay inaan la siyaasadayn waxyaabaha horumarka khuseeya, sida uu yidhi. “Waa nasiib daro in wixii ay ahayd inaynu xusno, oo aynu isku hambalyeyno, inaynu ceeb iyo cay u bedelno, runtiina aad iyo aad bay nasiib daro u tahay, markaas waxaan doonayaa in aan halkaas waadixin ka bixiyo, markaas haddii la is weydiiyo Shirkadani ma Shirkad dawladdi leedahayba mise waa Shirkad ay ash-khaasi leedahay, waa Shirkad ay Dawladdi leedahay, ma Shirkad loo sameeystay in wax lagu lunsadaa mise waa Shirkad loo sameeyey inaynu maalgashi ku helno, markaas waxa weeye Shirkad aynu u sameeysanay inay inoo fududayso maalgashiga, madaama aan la ina ictiraafsanayn, maamul ahaana waa Shirkad hoos timaada Wasaaradda Maaliyadda, boodhkuna ma maamulo Shirkad, ee boodhku waa Guddi sannadkii isku yimaada afar jeer ama laba jeer, oo shirta, waxaana wanaagsan in aan dadka la eedayn, oo aan Maxkamad la saarin, oo aan magacooda la ceebayn lana dilin runtii, waa nasiib daro waxaynu ku dadaalnay oo aynu ka soo shaqeynay in markay inoo bislaadeen oo ay inoo soo baxeen, in la siyaasadeeyo iyadoo runtii aanay siyaasadi ku jirin”. ayuu yidhi Sacad Cali Shire.
Mar la weydiiyay in madaxweyne Biixi uu ka warqabo shirkadan iyo hawlaheeda wuxuu yidhi “Haa; madaxweynuhu wuu ka war qabaa, arinkana maaha wax imika dhashay ee waa wax muddo soo socday,oo ay Looyaro ka shaqeeyeen, oo lanaga caawiyey, wax imika la bilaabay oo la iska saxeexay oo dhammaaday maaha,waana nasiib daro in wax wanaagsan la xumeeyo, oo dadka been loo sheego, waxay ahayd inay reer Somaliland oo dhami u riyaaqaan, oo la soo dhaweeyo, wixii wanaagsan haddii aynu xumeeyno inaga ayaa wax ku la’a, dadkeena ayaa wax ku la’a”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here