“Madaxweynuhu Wuu Caafimaad Qabaa, Wax Qaliin Ahna Muu Gelin”

0
920

Af-hayeenka Madaxtooyada

Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa beeniyay in madaxweyne Siilaanyo uu galay qaliin caafimaad, waxaanu sheegay inuu madaxweynuhu caafimaad qabo.

Afhayeenka oo shalay saxaafadda kula hadlay Gabiley, wuxuu yidhi  “Madaxweynuhu muddo laba toddobaad ku dhow ayuu ku joogaa booqasho dalka Imaaraadka Carabta, booqashadaasi waa mid shakhsi ah oo gaar ah sida madaxweynayaasha dunida fasax u baxaan ayuu fasax u baxay, haddana hawlaha qaranku leeyahay masuuliyad distoori ah ayaa faraysa inuu ka hawlgalo.” ayuu yidhi afhayeenku, isagoo intaas raaciyay “Dacaayadaha raqiiska ah ee in shirkii golaha wasiirada loo bedelay Imaaraadka waxba kama jiraan, ayaan leenahay, sidoo kale waxa jira warar badan ood moodo in dadka qaarkood inay habaar ugala jeedaan ooy leeyihiin madaxweynaha xaaladiisi waa halis, dhakhtar ayuu ku jiraa qaliin ayaa lagu sameeyay haloo soo duceeyo. Waxaan umadda uga sheegayaa madaxweynuhu inuu caafimaad qabo, wax qaliin ahna aanu gelin.”

Afhayeenku wuxuu magacaabay shan ruux oo uu sheegay inay la socdaan xaaladda madaxweynaha,

“Madaxweynuhu wuxuu leeyahay dad u gaar ah oo xaaladiisa ka war haya, waxaana ka mid ah

1. Marwadiisa Aamina-weris

2. Wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aaden

3. Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi

4. Carruurtiisa

5. Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta