“Madaxweynuhu Hadii Maalinba Meesha Uu Joogo Uu Amaano Kuwa Kalena Uu Caayo Waa Ceeb..”

0
1233

Xildhibaan Nac Nac  

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Axmed diiriye nacnac oo kamida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyey in uu wado qorshe uu ku qaybinaayo bulshada Somaliland.

Xildhibaan Nacnac ayaa ka hadalayey aragtida amdaxweynuhu uu ku sheegay in dadka deggen goballada galbeedka Somaliland ay ka xasilooni iyo aqoon badan yihiin kuwa bariga.

Xildhibaanka oo la hadlay codka Bariga Afrika ayaa sheegay in hadalkaasi aanu ahayn kii ku habboonaa in uu ka soo baxo dibnaha madaxweynaha  “ Dalkii oo la kala qaybinaayo madaxweynuu hadii maalinba meesha uu joogo uu amaano kuwa kalena uu caayo waa ceeb, markaas waxaanu leenahay waa siyaasad qaldan oo Somaliland waa isku wada mid waa hal qof, gobalada bariga waxaanu leenahay hadii madaxweynii uu meel idinkaga dhacay raali ahaada.”

Waxa kale oo uu xildhabaanku ka hadlay shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo uu muddo aad u dheer ka tirsanaa, laakiin mar dambe ka tegey. Waxa uu sheegay in ay wax laga xumaado tahay in xisbigu uu kharash badan ku bixiyo shirweynihiisa xilligan oo ay jiraan dad badan oo baahi nololeed oo adagi soo waajahday “ Anigu Kulmiye ayaan ahaan jiray oo aas aasayaashii ayaan ka mid ahaa oo waan u soo halgamay waa laygu toogtay aniguba waanigaas kacararay dadkuna waa ila wada mid waxa looga cararay in aanu Kulmiye Kulmiyii hore ahayn ee wakhtigii Axmed Siilaanyo iyo ka sii horaysayba aanu ahayn, markaas Kulmiye cusub ayaa imika yimi.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here