“Madaxweynuhu Diyaar Uma Aha Inuu Wax Ka Qabto Saluuga Awdal Ee Saami-Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada”

49
4166

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa ka hadlay walaaca Beesha Caalamka ee qabsoomida Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka.

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Walaaca la sheegay inay Beesha Caalamku ka qabto inay sannadka dambe ay Doorashooyinku ku dhacaan wakhtigii loo asteeyey waa mid jira, xaqiiq ahaana ilaa hadda ma muuqdaan oo looma dhaqaaqiin waxyaabihii ka horeeyey qabsoomida Doorashooyinka ee loo baahna in la sii dhammeeyo”.

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha iyo Doorashada Wakiilada ayaa yidhi “Madaxweynuhu dalka wuu joogay 28 sanno ee ay Somaliland jirtayba, wuu ka war hayey saluuga laga muujiyey saami qaybsiga kuraasta Wakiilada, wuu ogaa in Maxkamadda sare 2005, soo saartay amar ah in Doorashada Wakiilada ee 2005, lagu galo iyada oo aan saami qaybsi la galin, balse Doorashada dambe ee Wakiilada in saami qaybsi sax ah la sameeyo, Guddiyadii uu Axmed Siillaayo u saari jiray arinta Saami qaybsiga wuu ku jiray, markaas maanta lagama filayinin in isagoo ka dharagsan saluuga laga muujiyey saami qaybsiga kuraasta Wakiilada inuu haddana Xeerkii Doorashada ee Wakiilada oo ah 82 xubnood ee aanu ka cabanaynay inuu noo soo gudbiyo, taasina wax aanu yeelayno maaha, balse waxaa muuqata inuu Madaxweynuhu aanu diyaar u ahayn inuu wax ka qabto saluuga aanu ka muujinay saami qaybsiga, iyo qabsoomida Doorashada, ee wuxuu rabaa inay Golaha Wakiilada ay sii joogaan lixdanka Xildhibaan ee Kulmiye”.

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, mar uu Madaxweynaha baaq u diraayey ayaa yidhi “Madaxweyne intii aanad xilkan Madaxweyne qaban, ee aad ahayd Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, gaar ahaan wakhtigii aad ku jirtay Ololaha marar badan baad ku celisay  saluuga laga muujiyey saami qaybsiga, iyo sida aan loogu sinanayn, ee Madaxweyne si Doorasho lagu wada qanacsan yahay inoogu dhacdo, saluuga saami qaybsiga aanu ka muujinay wax ka qabo, waxba cid kalena ha ku riixin”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here