Madaxweynihii Hore Ee Yemen Cali Cabdalla Saalax Oo Saxafiyad Ruush Ah Hadyad U Siiyey Xidhmo Qaad Ah

0
638

1Moscow (Geeska)- Tan iyo 22kii Bishan Ogosto waxaa si weyn ugu dhex wareegayey warbaahinta ee Carabta iyo meelo kalaba sawirrada gabadh xidhmo qaad ah sidata oo xidhan cumaamadda ay caanka ku yihiin Yementu in ay madaxa ku duubto iyo nin isna labbiska Yementa xidhan, kuwaas oo lasheegay in ay yihiin saxafiyad u dhalatay dalka Ruushka iyo saygeeda.

Warku waxa uu sheegayaa in sawirkani uu yahay haweenay wariye ah oo ka tirsan talefishanka Russia 24 oo dhowaan waraysi la yeelatay madaxweynihii kacdoonka dadweyne xukunka lagaga tuuray ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo hadda si dhuumasho ah ugu nool magaalada Sanca oo ay gacanta ku hayaan ururka Xuutiyiinta ee uu gacan saarka la’ leeyahay.

Sawirradan waxaa muuqda saxafiyadda oo gacanta ku haysata xidhmo weyn oo qaad ah, isla markaana xidhan cabbaayadda dumarku gashado oo ah nooc dalka Yemen caan ka ah, iyo sawirrada qaar cumaamadda ay Yementu Shaalka u taqaanno ee madaxa ay ku duubtaan, sidoo kale saygeeda ayaa la sawiran oo qudhiisuna xidhan labbiska dalka Yemen hareertiisana uu yaallo qoriga Kalashnikov ee Ruushka lagu sameeyo oo dadka Yementu ay dhaqan u leeyihiin in ay haystaan.

War uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee The Huffington Post ayaasheegaya in markani aanay ahayn markii ugu horreysay ee uu Cali Cabdalla Saalax sidan martidiisa ugu sooro qaad, waxaana la xasuusan yahay mar sannadkii 2009ka uu wariye ka tirsan talefishanka MBC oo lagu magacaabo Nikoola Tanuur mar ay waraysi ka qaadaysya uu hadyad ahaan u siiyeey dhowr laamood oo qaad ah, kulana taliyey bal hadda in ay tijaabiso.

Cali Cabdalla Saalax oo da’diisu 74 jir tahay, waxa uu  22 sano madaxweyne ka ahaa jamhuuriyadda Yemen oo intii aanay midoobin Koonfurta iyo Woqooyiga oo laba dawladood kala ahaan jirayna uu madaxweyne muddo 12 sano ah ka ahaa Yementa Woqooyi. Waxa aana xukunka lagaga tuuray wada xaajood Sucuudiga iyo dalal kale oo Carbeed wadeen oo ka dambeeyey kacdoonno dadweyne oo qayb ka ahaa gu’gii carabta, balse markii dambe isu beddelay kacdoon hubaysan iyo dagaallo sokeeye oo dhiig badani ku daatay.