Madaxweynihii Hore Ee Ukraine Oo Sheegay Inuu Yahay Hoggaamiyaha Sharciga Ah

0
561

Picture2Ukraine(Geeska)-Madaxweynihii  xilka laga xayuubiyey Viktor Janukovytj ayaa saxaafadda kula hadley magaalada Rostov-na-Donu, dalka Ruushka ee ku dhaw xadka Ruushku la wadaago Ukraine. Waa markii u horeysey ee muuqiisa la arko tan iyo markii uu ka soo baxsadey caasimada uu ka talin jiray ee dalka Ukraine.

Intii uu ku guda jirey shirsaxaafadeedkiisa ayuu ka hadley Janukovytj xukuumadda kumeel-gaadhka ah ee dabadii la dhisey waxaanu ku tilmaamay in ay tahay mid sharci darro ah, isaguna yahay Madaxweynaha sharciga ah ee la soo doortey. Janukovytj ayaa sheegay in Ukraine ay eersatey dalalka reer Galbeedka ah wixii ka dhacay Ukraine masuuliyadeeda ay qaadayaan reer Galbeedku.

Janukovytj ayaa sheegay in qalaalsaha Ukraine uu bilaabmay xiligii Midowga Yurub ay bilaabeen in ay wada hadal la galaan Mucaaradka, isaga oo ku tilmaamay in sharciga uu halkaas ku lumay, argagax, fawdo iyo jaahwareerna bilaabmay.Janukovytj waxa uu ku sheegay shir saxaafadeedkiisa in aanu ka qaybqaadanayn doorashada la muddeeyey bisha May 2014, waxaana uu ku tilmaamey doorasho sharci darro ah maadaama isagu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Ukraine,sida uu sheegay. Waxaanu meesha ka saarey in xilka laga xayuubiyey, isaga oo sheegay in naftiisu khatar ay gashey baxsigana lagu qasbay.

Dacwad oogaha Ukraine ayaa sheegay shalay Jimcihii in ay si rasmi ah dalka Ruushka uga dalbanayaan in ay dib ugu soo celiyaan Janukovytj. Xukuumadda cusub ee Ukraine ayaa shaacisey in Janukovytj uu yahay denbile lana weydiinayo dad ka badan 100 qof oo amarkiisa lagu diley, sidoo kale waxaa lagu eedeeyey in uu lacago badan kala baxay khasnada dowladda Ukraine.

Dalka Switzerland ayaa dacwad oogaha Ukraine ka codsadey in ay baadhaan lacago la dhigey oo ay leeyihiin Viktor Janukovytj iyo wiilkiisa. Booliska Swisska ayaa shalay baadhitaan ku sameeyey shirkad uu lee yahay wiilka Viktor Janukovytj.