Madaxweynihii Hore Daahir Rayaale Kaahin Oo Sheegay In Somaliland Ku Iibsami Karto Isku Duubni Iyo Wada Jir

33
2718

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay midnimo wada iyo wada jir, waxaanu farriin nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee Ceel-afweyn.

Madaxweyne Rayaale oo hadal ka jeediyay munaasibad afur iyo casho ah oo xalay lagu qabtay madaxtooyada oo loogu dabaal-degayay sannad guurada 27aad ee ka soo wareegtay maalintii soo celinta qaranimada Somaliland ee 18 May, wuxuu ugu horayn isagoo reer Ceel-afweyn la hadlaya uu yidhi  “ Halkan waxan kaga faa’iidaysan lahaa shaqaaqada Ceel-afweyn ka socota, dadkaa walaalaha ah ee is laynaya waxaan leeyahay, waxa alla waxad isku dilaysaan waa micno darro’e dagaalkaas joojiya oo Ilaahiina u noqda oo nabad dadkiina ka dhiga,  waxaan idin leeyahay dad  sokeeye ah baad tihiin oo meel wada deggen, meel aad u qaxdaana ma jirto markaa walaalayaal waxaan idin leeyahay dagaalkaas joogiya.”

Mudane Daahir Rayaale, oo ka hadlaya ahmiyada ay Somaliland u leedahay isku duubnimada iyo wada jirku, wuxuu yidhi  “Waxa ugu weyn ee ay Somaliland  ku hirgalayso ee ay wax ku noqonaysaa waa midnimada iyo wada-jirka umadda Somaliland wada leh ee u wada dhalatay, , annaguna horaan uga soo shaqaynay, madaxweynaha cusubna inuu taas ku shaqaynayo ayaan filayaa, taas sidaynu uga midho dhalin lahayn ayey ku xidhan tahay qaddiyaddeena iibkeedu  ee aynu ku wada shaqayno oo ciddii marba xilka haysa  aynu kala  shaqeyno,” ayuu yidhi madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here