Madaxweyneyaasha Soomaaliya Iyo Kenya Oo Ka Hadlay Kulankoodii

0
519

Nayroobi(Geeska)-Madaxweynaha Soomaaliya,  Xasan Sh. Maxamuud iyo Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa Shalay kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Kenya ee Nairobi.

1

Labada Madaxweyne ayaa isla Gor-feeyay Arrimaha Qoxoontiga Soomaalida ee ku dhaqan Kenya, Arrimaha Amniga, is-kaashiga Dhaqaalaha, isku socodka Shacabka labada Wadan, arrimaha gobolka iyo caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi ka sheegay in Somalia ay diyaar u tahay sidii loo adkeyn lahaa Xidhiidhka labada Dal, wax alaale wixii Caqabado ah oo jirana ay si wadajir ah u xaliyaan.

“Soomaaliya & Kenya xulashada keliya ee ay haystaan waa inay ku noolaadaan derisnimo wanaag iyo wax wada-qabsi. Waxaan Xaqiijinayaa in Somalia ay daa’imi doono Saaxiib-tinimada iyo Xidhiidhka Walaaltinimo ee kala dhexeeya Kenya,’’ ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Madaxweyne Kenyatta, ayaa isna dhankiisa xusay in Soomaaliya iyo Kenya ay wax badan wadaagaan, isla markaana hadafka uu yahay in lagu wada noolaado xasilooni, nabadgelyo, barwaaqo iyo iskaashi dhan kasta oo labada shacab dan u ah.

“Waxaan aamin-sanahay in Somalia iyo Kenya ay isku yihiin waddan Qudha oo Gumeysiga uu kala qeybiyay. Sida muuqata waxaan nahay Shacab isku mid ah oo Wadaaga wax walba. Waxayna Xukuuumaddayda iyo shacabka reer Kenya ba ka go’an inay taageeraan Soomaaliya’’, ayuu yidhi Madaxweyne Kenyatta.

Labada Madaxweyne ayaa mar kale dib isugu soo laaban doona maanta, markaas oo la filayo in la soo gabagabeeyo wadahadalka labada dhinac, lagana soo saaro war murtiyeed.