Madaxweyne Xilka Ka Qaaday Guddoomiye Gobal Oo Habdhaqan Aan Naxariis Lahayn Kula Kacay Qof Bukaan Ah

50
3494

Aljeeris (Geeska) – Madaxweynaha dalka Aljeeriya Cabdalcasiis Buu Talfiiqa ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha gobal lagu magacaabo Albaliidah, kaddib markii uu ku eedeeyey in uu xilkiisa si habboon u gudan waayey iyo in uu ixtiraami waayey muwaadiniinta.

Eriga guddoomiye Mustafe Cayaad oo lagu sheegay qoraal saxaafadda loogu talagalay oo ka soo baxay madaxtooyada dalakasi, waxa uu yimi maalmo yar kaddib markii Cayaad uu booqday cisbitaal lagu daweynayey bukaanka cudurka kalooraha oo dalkaas ka dillaacay.

Guddoomiyaha ayaa intii uu booqashada ku gudo jiray waxa uu diiday in uu u soo dhowaado gabadh ka mid ahayd bukaanka oo u qayshatay. Tallaabadan wasiirku waxa ay aad uga cadhaysiisay muwaadiniinta oo u arkay in guddoomuhu aanu ixtiraamin bani’aadamnimada, isla markaana isaga oo aanay dhakhaatiirtu u diidin uu isagu iskii u diiday in uu gabadha u dhowaado.

Guddoomiye Cayaad ayaa warbaahinta laga arkay isaga oo gabadh u dhalatay dalka Aljeeriya oo cudurka Kalooraha qabtay kala hadlaya albaabka bir ah oo u dhexeeya dabadiisa, aadna u diiddan in uu u soo dhowaado.

Gabadha bukaanka ah ayaa guddoomiyaha u qayshanaysay iyada oo si naxariis leh uga baryeysay in haddii ay dhimato ama inta ay xanuunsanayso ay dawladdu kafaalo qaaddo nolosha wiil ay dhashay oo naafo ah. Laakiin uu guddoomiyuhu ugu jawaabay, “Wax kasta oo kale waxa aad ka horreysiisa in aad daryeesho caafimaadkaaga”

Dhacdadan oo iyada oo maqal iyo muuqaal ah qarsoodi loo duubay, kaddibna lagu faafiyey baraha xidhiidhka bulshada ayaa sababtay cadho ballaadhan iyo dhalleecayn xooggan oo ay dadku u soo jeediyeen guddoomiyaha iyo guud ahaan xukuumadda dalka ee uu ka wakiilka yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here