Madaxweyne-xigeenka Oo Ku Dhawaaqay Inay Itoobiya Ka Raaligeliyeen Diblomaasiyiin Dalkeeda Ka Tirsan Oo Somaliland Lagu Xidhay

0
744

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, ayaa markii ugu horaysay raaligalin ka bixiyay diblamaasiyiin ka tirsan dalka Itoobiya oo lagu xidhay gobalka Gabilay ee Somaliland.

Saylici waxa uu Itoobiya raaligalin ka siisyay talaabadaas, waxaanu sheegay in maxkamad la hor keeni doono dadkii falkaas loo tirinaayay, waxaanu sida oo kale sheegay in Itoobiya uu ku soo qancin doono talaabooyinka laga qaaday arintaas.

Waxaanu sidan ku Sheegay Saylici mar uu ka sii dhoofayay madaarka Hargeysa isaga oo ku sii jeeday dalka Itoobiya, waxaan isaga oo arrimahaas ka hadlaayay uu yidhi“Somaliland iyo Itoobiya runtii xidhiidhka ka dhaxeeya  waa mid aad u qoto dheer  mid ku jabaayana maaha haddii qalad ka dhaco dad inaga inaga mid ah iyo kuwo iyaga ka mid ah, waanuna ka xunahay waxii ku dhacay diblamaasiyiintii reer Itoobiya, dawladuna waxay ka qaaday talaabo adag, sida aad la socotaana intii loo tirinaayay falkaasi waa ay xidhan yihiin, waxaanay u xidhan yihiin waxii ay gaysteen, waxaana la horgayn doonaa sharciga, haddii aan halkaas tagaayana Itoobiya waxii talaabo ah ee aanu qaadnay waanu ku qancinaynaa, in aanu ka xunahayna waanu u sheegaynaa, dibna u dhici mayso, waanu ka xunahay iyagana waynu ku qancinaynaa, qaladku waa uu dhacaa laakiin mid shacbiga iyo xukuumadda Somaliland midna ka raali yahay maaha.”

 

Waa markii u horaysay ee ay xukuumadda Somaliland si toos ah uga hadasho xadhiga diblomaasiyiinta Itoobiya loo gaystay oo ay warbaahinta muddooyinkan dambe aad wax uga qoraysay.