Madaxweyne-xigeenka Oo Ka Soo Noqday Safar Gaar Ah Oo Uu Ku Tagay Wadanka Itoobiya

0
534

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, ayaa dalka dib ugu soo laabtay, isla markaasna ka waramay kulamo uu la qaatay madaxweynaha Itoobiya.

Cabdiraxmaan Saylici waxa uu sheegay in ay madaxweynaha Itoobiya ka wada hadleen arimaha mandaqada iyo sida oo kale arimo la xidhiidha galitaankii ciidamada Somaliland ay gaadheen degmada Taleex.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi“Waxaan muddo ilaa lix maalmood ah ku maqnaa wadanka Ethiopia aniga oo hawlo gaar ah u tagay, hadana qofka madaxda qaranka ahi marka uu meel tago waxa dhacda inuu la kulmo madax kale duwan, waxaan shalay(Dooraad) la kulmay madaxweynaha dalka Ethiopia oo aanu aad uga wada sheekaysanay xaalada geeska dhinaca nabad galyada iyo iskaashiga ka dhaxeeya Somaliladd iyo Ethiopia, runtiina si aad ah ayey inoo danaynayaan, waynu ognahay inay Ethiopia tahay wadanka Koowaad ee ay Somaliland sida dhaw u wada shaqeeyaan, si wanaagsan ayaanu isku af garanay aniga iyo madaxweynaha wax badan oo ka jira gobolkana waanu iska waraysanay.”

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay inay ka wada hadleen galitaankii ay ciidamada Somaliland gudaha u galeen Taleex, waxaanu sheegay inay dawlada Ethiopia ku qanciyeen inaanay Somaliland wax dhibaato ah ka wadin deegaanadaasi waxaanu yidh “Runtii waanu ka wada hadalnay arimaha la xidhiidha in ciidamada Somaliland Taleex gaadheen, waxaanan u sheegnay inaanay Somaliland wax dhibaato ah doonayn arintaas aanu u tagnay Taleexna ay ahayd in dadka reer Somaliland aanay dhibaato danbe ku dhicin oo nabad galyadooda la ilaaliya horumarkana la gaadhsiiyo, waanay ku qanceen markaanu nidhi wax dhibaato ah ma wadno, waxaanse diidaynaa inay meeshaas ka abuuranto dad dhibaato keenaya.”