Madaxweyne-xigeenka Oo Furay Markis Balaadhan Oo Masalaha Laga Dhisay

0
515

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiramxaan Cabdilaahi Saylici, ayaa xadhiga ka jaray Markas weyn oo ay ku baxday lacag ka badan nus Malyuun doolar, kaas oo uu  dhisay Xildhibaan Khadar Aaden Xuseen (Khadar Ambassador).

Markaskan ayaa ku fadhiya dhul 1440 mitir oo isku weer ah, waxaana markiiba ku tukan kara dad ku dhaw 1800 oo qof. Waxa furitaanka Markaskan ka soo qaybgalay xubno wasiiro ah,salaadiin,aqoon yahan iyo in badan oo ka mid ah muunada dalka.

Markaskan xadhiga laga jaray waxa khudbadii jumcaha ka akhriyay sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun,  oo ah sheekh muxaadirooyinkiisa diiniga ah ay in badan oo ka mid ah dadka Soomaalida ah ay aad u jecelyihiin. Sheekh Mustafe ayaa la sheegay inuu jimcayaasha tukin doono masaajidkaas.

Xildhibaan Khadar Aadan Xuseen (Ambassador) oo ka hadlay xafladaas loo qabtay furitaanka markaska ayaa isaguna dhankiisa waxaa uu yidhi“Marka ugu horaysa Alle ayaynu mahadinaynaa,Allaha inoo suurta galiyay in aynu da’daalkaas la nimaadno,waxaan u mahadnaqayaa oo kale Salaadiinta,Madaxda iyo Akhyaarta na soo ajiibay ee nagala soo qaybgalay hawshan khayriga ah,waxaan u mahadnaqaynaa shirkadii dhistay iyo odayaasha xaafada ee sida la sheegay u shaqaynaayay iyo intii kale ee wax ku darsatayba,  Alle miisaanka xasanaadka hawsaaro. Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa saaxiibada Naf,Maal iyo Arinba intii aanu hawshan wadnay ka gaystay, waxaan ka tilmaamayaa ragaas Sheekh Maxamed Cali Geedi oo markii aan fikirka masjidkan qorshaynaayay  ee aanu galnay qiimayntii aduun ayaan is idhi malaa karimaysid, kalmad ayuu igu yidhi aan is leeyahay way ka qiima badantahay waxii aduun galay oo dhan, taas oo ahayd ( Alle Masaajidkiisa waa uu dhisayaa  oo ku filan ee adigaa lagugu eegayaa) sidaas markii uu igu yidhi waxaad moodaysay in calooshaydii xaga kale loo rogay, waana runtii oo mashruuc igaga fudud waligay maan galin.waxaan ku soo koobayaa in aan arinkeenu adduun uun noqone aynu khayrka ku tartano.”

Sheekh Maxamed Aadan Muxumed ayaa dhankiisa ku tilmaamay markaskan farxad weyn oo u soo hoyatay dadka muslimiinta ah. “Farxad weyn ayay inoo tahay diinteenii oo ay wax u soo kordheen,marka ay diinta wax u soo kordhaan umadda muslimka ah qalbiga ayay ka faraxaysaa,waxa inoo soo kordhay Markas ka mid ah maraakiistii diinta,kalmada Markas way ka koraysaa masaajid oo Markaska waxa hoostagi kara madaaris,maktabad iyo barnaamijyo kale.”

Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Cabdikariim Axmed Mooge oo ah guddoomiye xigeenka guddiga horumarinta masalaha galbeed, waxaanu halkaas kaga waramay horumarka ka socda xaafadda masalaha galbeed oo ah xaafad ay qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ku dhantahay. Cabdikariim ayaa ganacsadaha markaska dhisay Alle uga baryay inuu maalkiisa u barakeeyo.

Waxa isna halkaas ka hadlay Cabdiraxmaan Maxamed Ciise, oo ku hadlayay magaca shirkadda Najax ee dhistay markaskaas.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa isaguna dhankiisa markaskan si diiran u soo dhaweeyay,waxaanu dadka maalqabeenka ah u soo jeediyay inay ku tartamaan khayrka“Masaajiidu waa xaruntii Alle lagala xidhiidhayay,waxaynu maqalnay satalayt ayaa jira oo hawada loo diraa oo xarun ayuu leeyahay, Nabigeenu NNKH waxa uu inoo tilmaamay inay malaa’iigtu ku soo dagto masaajidada, qofkii masaajid dhisaana rasuulku NNKH waxa uu yidhi  Allena janada ayuu guri uga dhisaa.dadkeena wadaniga ah ee maalqabeenka ah waxaanu ku dhiirigalinaynaa inay ku tartamaan khayrka,qofka maanta masaajidkan soo galaa waxa uu is odhanayaa tolaw ma Qatar ayaa soo dhistay laysma odhanaayo dadkii wadanka ayaa dhisay, Alle maalkiisa hawbarakeeyo inteena ka soo xaadirtayna miisaanka xasanaadka haynoo galiyo.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo si rasmi ah u furay Markaskan waxa ka mid ahaa hadaladii uu halkaas ka soo jeediyay “Alle ayaa  mahad leh isugu keen keenay masjidkan qiimaha badan, waxaynu u mahadnaqaynaa walaalkeen Khadar oo masjidkan iyo waxa la socda ee madaaris iyo wax kaleba leh, Alle ayaa ku ilhaamiyay inuu dhiso, waxaynu ugu ducaynaynaa in Alle siiyo balanqaadkii qof masjid dhisa uu u balan qaaday, waxaan leeyahay waa mid ku dayasho mudan oo Alle waxa uu wax inoo siinayaa waa laynagu wada eegayaa, dadkii  aan islaamka ahayn ayaa caqligooda ku gartay in maalkan badan ee ay haystaan ay umadda wax ugu taraan,waxay gaadheen nimanka dunida u taajirsani inay yidhaahdaan bahashan waynu ka dhimanaynaaye kala badh aynu ka dhigno samofal,umadda Somaliland waxaan leeyahay ninkii Alle wax siiyay samofalka ha badiyo oo Samofalku masjid uun maahee hadii aad wado,biyo iyo  wax kasta oo horumar ah aad samayso ajarka masjidka ayay leeyihiin.waxaynu maanta ku faraxsanahay guri guryaha Alle ka mid ah ayaa Hargeysa ku soo kordhay,markaas dhamaanteen masjidkan waynu ku faraxsanahay.”